Gudoomiye Ciro Oo Ka Hadlay Dagalkii Fadhi Gaab Xukuumadana Kula Taliyay Inay Gacan Bira Ku Soo Qabato Fidno-walayaasha
April 20, 2020 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani Md, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo maanta warfidiyeenka la hadlayay ayaa ugu horayn waano iyo dardaaran u jeediyay dadka walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmarayso fadhi gaab, islamarkaana xukuumada ugu baaqay in labada dhinacba cida fidnadaa wada gacan bira lagu soo qabto oo sharciga la horkeeno.