marsanews.com
Gudoomiye Riyo-raac Muxuu Ka Yidhi Heshiiskii Ay Kala Saxeexdeen Madaxweyne Biixi Iyo Mucaaridku?
March 9, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Komishanka Cusub ee Doorashooyinka ayaa maanta oo ay bishu tahay 9-ka March 2020 xafiiskooda ku qaabilay Safiirka EU-da, Mudane Nicholas Berlanga iyo safiirka Sweden, Mudane Staffan Tillander oo ayaamahanba safar shaqo u joogay Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeedada kulankan ayaa ku saabsanayd;

1) arrimaha doorashada iyo sidii wadanka ay uga qabsoomi lahaaayeen sanadka 2020 doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo dhawr jeer soo muddo dhaafay, iyo

2) sidii looga midho dhalin lahaa heshiiska saddex geesoodka ahaa ee ay xisbiyada qaranku ku kala saxeexdeen Madaxtooyada Somaliland 27kii February 2020.

Xubnaha waftiga ayaa tilmaamay in ay hadda kalsooni ku qabaan in dhamaan dhinacyada kala duwan ee heshiiska ku midoobay ay diyaar u yihiin hirgalinta iyo ka midha dhalinta heshiiska ka dhashay dedaaladii dhexdhexaadinta ee muddada soo socday.

Dhinaca kale gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in komishanku dhankiisa soo dhaweeynayo heshiiska qaran waxaanuu tilmaamay in uu diyaar u yahay sidii uu dhinaciisa uga fududeyn lahaa in heshiiskaasi hirgalo isla markaana doorasho ka dhacdo dalka sanadka 2020.

Ugu danbeyn kulankaasi wuxuu ku soo dhamaaday Is afgarad iyo in wada shaqayn joogto ah ay dhex mari doonto Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Beesha Caalamka oo ay matalayeen labada safiir.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews