marsanews.com
Guuxoogana Waan Ogoo Baray Geeskale u Kici Gamboorbay Daaqayaan Garaadkay la Col-yihiino Guusha Lagu Khuukhiyaa
May 21, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Midhadhka dhalinyarada ah ee ku turaayaba halku-dhiga baaq shacab oo iyaga ka miisaan culus garaadkooduna aanu qaadi karin balse loo soo dhiibay sidii caroogana looga dhex hadlay miyayna ahayn kuwo u baahan in qadar hoga-tusaale ah loo mariyo duruus ka turjumaysa, isticmaalka garaadkooda oo saamayn taban ay ku yeesheen kuwa daaha-dabadiisa ka soo hagaya ee haatana fariimaha taageerada ah ugu soo felceliyay oo aqoon-yahan, ama bare jaamacadeed ba sheeganaya.

Dabcan waa dhalinyaro maskax ka miisaan roon ay wax u soo dhiibtay islamarkaana aan garan karin cida baaq shacab diri karta iyo awoodaha bulsho cida xaqa u leh inay ku hadlaan iyagoo umad matalaya.

Dhalinyaradan oo uu hormood u yahay inanka garyaqaanka loogu yeedhe islamarkaana badiba muraayadaha muuq-baahiyaha ka soo dhex muuqda isagoo inta badan sharci iyo wax la hal-maala ka hadlaya oo lagaba yaabo in bulshada qaarkood uba haysteen sharciyaqaan halis ah, balse arintan isaga iyo dhalinyarada uu hor-kacayayba ay ku noqotay bar-madaw oo ka turjumaysa jahliga iyo aqoon-darida sharci ee dul hoganaysa, iyo waliba indho-adayga aanay cidnaba waxba iskaga tirinayn.

Duulaanka maalinta qaranimada somaliland maaha wax sahlan waa mid jawaabteeda u baahan islamarkaana mudan in bulshadu si togan oo miyir qabta uga falceliso, maaha macnuhu in dhalinyaradan la isticmaalay wakhti layskaga lumiyo balse waa in halka laga soo hagyo iyo cida ay aragtidooda ku shaqaynayaan ba la mariyo waajibkooda, sida baraha jaamacada ee isagu markiiba godka ka soo baxay lana soo holaday bogaadinta dhalinyaradan uu humaaga beenta ah u soo dhiibay isaga iyo inta kale ee ku wehelisa islamarkaana cadawga umadan ah.

Shaki kuma jiro in gacmaha arintan dabada ka riixayaa ay yihiin kuwo dhalinyaradan uga soo gacan haadiyay meesha iyaduba liidata ee ciidamada afrikanka u maganta ah, waxa se iyana barbar socota dhiirigalinta siyaasiyiin iyo kuwan aqoon-yahanka sheegta ee iyagana cadhada xildoonku meelkasta la galayso.

Gabagbadii dhalinyaradan iyo kuwa soo isticmaalayba waxaanay garanayn in somaliland iyo maalinta madaxbanaanideeduba ay yihiin lama taabtaan oo cidii shanta la soo gashaaba ay dhaxalsiin doonto qoomamo taas oo uga iman doonta bulshada horay iyo haatan ba dhiigooda u shabay.

Qadiyada jiritaanka somaliland maaha wax loogu soo gaban karayo isla xisaabtan iyo waxa dhalinyaradan loogu sheekeeyay toona ee waa qadiyad masayri ah oo bulshadu hareeraha ka taagan tahay si foojigana u ilaashanayso mana aha mid uu si sahlan wax u yeeli karo cadaw dibada kaga soo duulay iyo mid gudaha ku qarsoon oo hadba wiilal yaryar wax u soo dhiibaya.

Guuxoogana Waan Ogoo Baray Geeskale u Kici Gamboorbay Daaqayaan Garaadkay la Col-yihiino Guusha Lagu Khuukhiyaa

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews