marsanews.com
Haayada Badaha Aduunka (IMO) Oo Masuuliyiinta Dekada Berbera Gudoonsiisay Shahaado Caalamiya
March 15, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Haayada Badaha Adduunka (IMO), ayaa Maamulka Dekeda Berbera Gudoonsiisay Shahaadada Amniga Dekedaha. The International Code of the Security of Ships and of Port Facilities(ISPS Code)”.

Haayada Badaha Adduunka (IMO), oo Tababar u soo xidhay shaqaale-weynaha Dekeda Berbera, ayaa maamulka dekedaasina gudoonsiisay Shahaado caalamiya oo shantii sano-ba hal mar lagu maamuso maamulka dekadaha caalamka

Hay’adda Nordic Crisis Management oo ka Wakiil ahayd,  Hay’adda Badaha Adduunka (IMO) ayaa Maamulka Dekeda Berbera gudoonsiiyey Shahaado shantii Sanno-ba mar ay bixiso Hay’adda Badaha Adduunka (IMO), isla markaana lagu qiimeeyo Amniga Dekedaha, ayaa sanaadkan waxa la gudoonsiiyey Dekeda Berbera oo noqotay mid caalamiya, sidoo kalena dhinaca amniga iyo weliba shaqo wanaag ku mutaysatay Shahaadadan Caalamiga ah.

Shaqaalaha kala duwan ee Tabobarkan loo soo xidhay waxa kamid ah, Shaqaalaha Hay’adda Dekedaha JSL, Ciidanka Laanta Socdaalka, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Shirkadda DP World Berbera.

Tababarka oo ku saabsanaa Nabadgelyadda Iyo badbaadada Dekedaha (Port Facility Security Officers(PFSO), ayey hawlwadeenii wax la baray ka faaideen aqoon heer-sare ah.

Gabo-gabadii Kulankaas, waxa Maamulka Dekedaha somaliland ay gudoonsiisay Hay’adda Nordic Crisis Management, Shahaadada (The International Code of the Security of Ships and of Port Facilities(ISPS Code) shahaado caalamiya.

Sidoo kale waxa isna arintan ka hadlay oo barta uu facebook ku leeyahay ku soo daabacay warkan, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, kaas oo qoraalka uu facebook-giisa soo dhigay uu u dhignaa Sidan

“Jimce, 13 – 03 – 2020 , Annagoo kaashanaynaa, Hay’adda Nordic Crisis Management oo kaga Wakiil ahayd Tababarkan,  Hay’adda Badaha Adduunka (IMO), Waxaannu Tababar u soo xidhnay Shaqaalaha Hay’adda Dekedaha JSL, Ciidanka Laanta Socdaalka, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Shirkadda DP World Berbera. Tababarka oo ku saabsana Nabadgelyadda Iyo badbaadada Dekedaha (Port Facility Security Officers(PFSO).

Sidoo Kale, Waxaannu ka gudoonay Hay’adda Nordic Crisis Management, Shahaadada (The International Code of the Security of Ships and of Port Facilities(ISPS Code)”.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews