marsanews.com
Hadal Haynta Midnimo Iyo Halku-dhiga Midnimo Dhimatay
May 15, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Somaliland oo 29-sano baarka ka jartay ahna qaran dib ula soo noqday madax-banaanidiisi 1991-kii 18may, ayaynu la wada soconaa maalmahan danbe hadal haynta ma dhalayska ah ee ay hadhka cad ku riyoonayaan kuwo isku sheegaya ergay ka socota beesha caalamka oo sida ay u soo tafaxayteen ku hamiyaya, suurta galinta midnimo dhexmarta somaliland iyo somaliya.

Hadal-haynta midnimo intee in leeg ayay sii socon karaysa

Dabcan waa weedh ama kalmado kooban oo ka soo baxi kara afka qof bila-aadam ah, balse waa wax aan jiritaan sii yeelan karin ama suurtagalnimadeedu ay tahay cadceeda oo galbeed ka soo baxda, taas oo uga dhigan shacbiga reer somaliland inay tahay yoomal-qiyaamihii oo kale.

Maaha wax in badan wakhti layska galiyo hamigan beenta ah ee yomomoto, iyo inta kale ee la hal-maasha ay ku fikirayaan, mana aha mid cabsi ku beeri karta umadan aaya-hooda ka tashaday ee reer somaliland, balse waa wax lays waydiin karo ujeedooyinka siyaasiga ah ee xiligan soo kiciyay dublamaasiyiintan weerarka ku soo qaaday qadiyada madaxbanaanida somaliland?

Sidaynu la wada socono ama aynu fahmi karno waxa aan muran ku jirin in kuumkan aynu ku dul noolnahay meelkasta ama wadankasta oo aad eegtaba uu yahay mid raacdaynaya danihiisa gaarka ah iyo masaalixa siyaasiga ah ee uu ka leeyahay hadba halka uu bidayo inay wax kaga xidhan yihiin, markaa waxaan odhan karnaa waxa jira dano siyaasiya oo aan wali cadayn halka ay ku jihaysan yihiin balse kaliya waxa inoo muuqda ee aynaan is diidsiin karin ay tahay weerarka siyaasadeed ee Yamomoto iyo kuwa la aragtida ahiba ay ku soo qaadeen jiritaanka qaranimada somaliland.

Somaliland Maxaa La Gudboon

Xukuumada madaxwayne biiixi ee haatan hogaaminta talada dalka mayalka u haysa waxa la gudboon inay foojigni iyo fiir dheer ba u yeelato dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ah ee gudaha iyo dibadaba islamarkaana ay shacbiwaynaha reer somaliland-na ku hagto isku duubnida ay haatan ba ku hogaamiso, sidoo kale waa inay jiraan weeraro siyaasadeed oo ka dhan ah kuwan sheeganaya beesha caalamka inay ergo u yihiin oo somaliland ay guud ahaan ba joojisa la shaqayntooda dalkana ka mabnuucda, taasi oo keenaysa in wadamadii ay ka socdeen Yomomooto iyo kuwa kaleba ay iswaydiiyaan sababta ay somaliland u joojisay wada shaqaynta, waxaana iman doonta in sida ugu dhakhsaha badan loo badalo, maadaamo labadii dhinac ee ay lahaayeen waanu idin wada hadashiinaynaa uu dhinac ka midi joojiyay wada shaqayntii.

Sidoo kale waxa loo baahan yahay curin iyo hal-abuur siyaasadeed oo somaliland ay ku soo dhawaynayso meelaha ama wadamada kale ee loolanku uu ka dhexeeyo qolyahan reer galbeedka ah, sida ruushka oo kale in somaliland ay xidhiidh la samayso islamarkaana ku soo casuunto dalka oo ay u soo bandhigto qaniimada dalkeeda iyo waliba istaraatajiyada mandaqada uu ku yaalo iyo guud ahaan caalamkaba in somaliland ay tahay meel iyada loo baahan yahay ee aan cidna u baahnayn halka ay dhul ahaan ku taalo ee rabiga wayni dhigay.

Dhanka kale waxa ay somaliland iibin kartaa dhinaca xasiloonida iyo abniga gobolka oo ay u tahay marin halbawle u ah, taas oo noqonaysa ama suurtagalin karta in cidii wal ee ka dhan ah somaliland ay noqon doonto karis xuna ku wax la’ waa hadii faragalin qaawan loola yimaado’e

Somaliland waxa loo soo huray naf iyo maal, halgan dheer oo qadhaadh ayaa loo soo galay sidii dib loola soo noqon lahaa xoriyadii iyo madaxbanaanidii foof-daran habawgu ku dhacay 1960-kii oo iyadu ahayd mid aan la mahadinin.

Masayrka qaranimada somaliland maaha mid ku xidhan siyaasi ama hogaamiye ama cid kale toona, balse waa rabitaan shacbi mid ku yimid waana mid ay hareeraha ka taagan yihiin bulshawayntii somaliland oo idil, islamarkaana ay saacad kasta heegan ugu jiraan inay markale nafahooda u sadqeeyaan oo aanay dib ugu noqon karin midnimo iyo waxii la hal-maala toona, Shacbiga reer somaliland halkii u damqan jirtay midnimo somliwayn haatan waxay noqotay mid dhimatay oo waxa kaaga filan Midnimo Dhimatuu Ku Sii Dhaganyee Dhagaha Ugu Rida Inaanay Dhacayn.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews