marsanews.com
Hadii Aynu Isku Qabiil Nahay Maaha Macnuhu Isku Aragti Baynu Nahay
February 26, 2019 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Iinsaanku sidiisaba waxa uu ku hamiyaa waa guul iyo horumar uu ka gaadho hadafka uu nolosha ka leeyahay.

Waxa aan muran ku jirin kala duwanaanshaha aragtida bila-aadamku inay ku timaado, laba arimood oo kala ah.

Abuurka ilaahay oo iinsaanka kala duway oo mid kasta ba fikir iyo aragti gaara ku galaday Iyo Rabitaanka shaqsiga oo qofkasta halkii uu dantiisa ka arkayo uu aragtideeda yeesho.

Siyaasadu waa shay dabiici ah in lagu kala aragti duwanaado, oo fikirka adiga kula saxsan ayaa qofka kale la qalooca oo aanu aaminsanayn inuu sax yahay, halbeega siyaasaduna waa shay isla badbadala habka nolosha qoom meel ku wada nool.

Hadii aynu isku qabiil nahay maaha macnuhu isku aragti ayaynu nahay ee kaliya waxa aynu wadaagna waa magaca yeedhmada haybta aynu ka soo wada jeedno, taasina maaha mid gadgadoon iyo isbadal midna leh oo waa mid isir ah, halka aragtiyaha iyo fikirka siyaasiga ahi uu isagu yahay mid gadgadoon iyo isbadal ba leh taasina ay tahay midka ay astaantiisu tahay aragtiyaha danaha shaqsiga ahi ay hogaanka u yihiin, halka aragtida dhabta ahi ay tahay aaminaad uu qofku rumaysan yahay fikirka uu qabo oo aanay waxba u wehelinin.

Qabiilka waxa ku adeegta oo isticmaala dadka aqoontoodu gaaban tahay hubkiisuna waa curfiga iyo cayda naxliga lagu abuuro oo lagu kala faquuqo ama lagu kala fogeeyo dad isku aragti ah.

Aaminaada xigmada aaraada siyaasiga ahi waxa ay toosisaa umad uu ka maqan yahay jiheeyiha lagau baadigoobo helista ilayska rajada oo ah mid markasta oo umadi ku dhexmilanto isticmaalka hanaanka qabaliga ahi ay kulansadaan dhibta iyo diihaalka nolol xumaanta oo gaadhsiisa bulshada inay daluun dheer ku rido aayaha umadaas aakhirkana noqda hungo nololeed oo halkeeda ku hagaasta.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews