marsanews.com
Hal’ Gurracan Aad Diiddide Ka Haboon Ma Garataa?
July 29, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Bila’aadamku sidiisaba waxa uu u abuuran yahay inuu wax doono waxna diido oo iyadu waa mid ka turjumaysa jiritaanka qofnimo.

Waxase duluucda qormadani ay daaranan tahay waa marka uu qofku wax qaldan uu arko xaqna u leeyahay inuu diido inay haboon tahay inuu garan karo halka haboon ee saxda ah.

Dabcan marka aad eegto xiliyadan danbe habdhaqanka umadeena gaar ahaan wadciga siyaasiga ah sida ay u qiimeeyaan waxa aad is odhanaysaa jinbaa durbaan meel uga tumaya sababtoo ah garaadkii suubanaa ee rabi ku galaday way yartahay inay ku cabiraan kuna wajahaan xaalada dhabta ah ee jirta kuna xushaan hadba ka mudan ee meel gaadhsiin kara ama ba ay raadshaan taariikhda iyo waxa uu ahaan jiray ee haatana aad ka filan karayso cidan aad rabto inaad cugataa.

Waxa marag ma doona in ay bulshadu maanta u xuub-siibatay nidaamo qabaliya oo ragaadiya dhamaan ba maamulka iyo nidaamka hogaamineed waayo waxaad arkaysa meel yar oo aan macno badan lahayn oo reer dhan oo magac iyo maamus ba lihi ay ku doodayaan inankaa ha na loo daayo si aanu codka kuu siino taasi waxay ku gaysiinaysaa inaad ka majara habowdo toobiyihii saxda ahaa ee aad haysay isla markaana waxay bar-kuma taal ka dhigaysa hogaamintii tognayd ee ay bulshadaasi heli lahayd.

Qoomiyadaha aduunka ku nooli waxay wax k raadshaan oo ay ku baadi-doon tagaan waa sida taariikh ahaan loogu kala horeeyo looguna kala saamayn badan yahay hadba taariikhda umada dhexdeeda ku leeyahay  hogaamiyaha ay rabaan, taas oo hogaanshahaana tilmaan u noqonaysa halka uu geediga ku furayaa oo ah sida uu ku hogaminayo umada xulashadoodii uu noqday, waana dariiqa loo maro horumarka nolosha iyo dhismaha aadmiga ba oo labaduba yihiin cilmi iyo aqoon ka timaada garaado iyo maskaxo fayow oo bulshadaasi isticmaashay kuna kasbatay waxay doonayeen.

Laakiin markaad eegto somaliland iyo baadi-goobka hogaamiyahooga shacbigu waxa hage u noqday siyaasi ujeedooyin badan leh oo isagu raba inuu himilooyinkiisa ku gaadho dariiq wal oo uu ku heli karo surta galinta ujeedooyinkiisa isla markaana waxa ay noqotay ciriqa ugu fudud ee bulshada reer somaliland laga waraabin karaa ee mabaadiida siyaasigu ku kasban karaa inuu yahay habka qabaliga ah oo iaydu xitaa saamaysay siyaasigii islahaa isticmaalka qabyaalada ayaad ku faaiidaysa inay noqotay mid isagii dabarta oo aanu wax yaalo badankaba go’aan qaadan karin oo taasina dhaxalsiisay inay ragaadan himilooyin badan oo uu filaayay.

Marka aan u soo noqono halku dhiga qormadeena waxa xusid mudan in iinsaanku yeesho ama garto inuu wax diido isla markaana yaqaano waxa uu diiday waxii ka saxsanaa ee uu u baahna waayo waxa jirta hadaad eegto halku dhigii mid ka mida suugaantii Hadraawi tuduc maansooyinkiisa ku jiray oo odhanaya, WAX DIIDO MARKAY JIRTAA WAX DOONKUNA MEEL MAR YAHAY.

Waa halku dhig dhab ah oo inaad wax doontaa waxay fure u tahay inaad horta wax diido, marka ay hadaba qaabka noloshuba sidaa tahay miyaanad samayn karin hal markaa diido inaad garato ka haboon ee hal kaa aad diiday badalkiisa ah.

Wretting by cheif editor c/risaaq maxamed axmed

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews