marsanews.com
Halkay Salka Ku Haysaa Ujeedada Rasmiga Ah Ee Xiligan Caruurtii Dalka Joogtay Askartii Shaaricyada Ugu Xiirayso
December 31, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Dastuurka qaranka somaliland ayaa xoriyaadka shaqsiga muwaadinka ah damaanad qaaday haduuna ka hor imanayn shareecada islaamka iyo qawaaniinta dalka.

Ma la socotaa in dadkeenu barigii hore badiba ay ragu la bixi jireen timaha iyagoo siyaabo kala duwan u xiiran jiray balse aany jirin wax dhibaato ah oo dhanka dhaqanka iyo diinteena toona kaga iman jirin oo ay ahayeen dad ku xaragooda islamarkaana magacyo ba kula bixi jireen sida biidka oo kale balse haatan dhalinyaradii sabankan ee iskood u xaragoonaysay ay qaar ka mida wadaadada xiligani ay sababo aan la garanayn uga hadleen sheegeena inay soo dhawaynayaan talaabada ciidamadu hawlagalada ugu fulinayaan dhalinyarada maqaska shaarica loogu xiirayo taas oo ah xaajo uguba oo ujeedo badan noqonaysa.

Bal u fiirso muuqalada oo ka koowaad uu yahay muuqaladii dadkii hore iyo waliba inankiisa oo imika ah halka dhal;inyarada kalena qasabkaa aad arkaysan loogu xiirayo

Waxa dhacdo ugub ku ah somaliland marqudhaata lagu arkay guud ahaan dalkoo idil in dhalinyaradii ubaxa qarankan u soo koraya ahayd ay askartii abniga ka shaqaynaysay lagu jiheeyay oo la faray inay timaha ka xiiraan islamarkaana aad arkayso iyadoo shaaricyada ciyaalkii iyo askartii khaati isla taagan yihiin taasina ay noqonayso mid majara-habaabinaysa guud ahaan abnigii dalka, maadaamo askarigii abniga ku shaqada lahaa ku mashquulsan yahay ciyaalkii timaha la baxay sidoo kale na caruurtiina ay laftoodu ku mashquuleen sidii ay askariga isaga ilaalin lahaayeen, arimaha noocaas oo kale ahina ay yihiin kuwa iska horkeena dhalin yarada iyo ciidamada abniga oo haday coloobaan wax badani uu kharibi karo.

Marka aad eegto aragtiyaha shacbiga reer somaliland iyo ta rayul caamkaba waxa ay badiba iswaydiinayaan waa maxay sababaha dhabta ah ee ay daarantahay dhacdadan ugubka ah ee dhalinyaradii lagu beegsanayo timahoodii aritaasi siyaabo kala duwan ayay bulshadu u micnaysatay oo dadka qaar baa qaba in ogaan xukuumadan cusub ee madaxwayne biixi loogu jeedinayo dhalinyarada oo la rabo inay kacdoono sameeyaan dhalinyarada dalku, halka aragtiyaha qaarna qabaan in nidaam wadaadaysan uu meesha ku jiro oo ay sideedaba tahay astaamaha lagu yaqaano ama talaabooyinka ay qaadaan wadaadada xagjirka ahi taasina waa mid ka mida aragtiyaha ay qaybaha bulshada qaar ka midi qabaan.

Waxa aan shaki ku jirin in ciidamada amaanka ay ahayd in loo diro hawlo kale oo badan oo qabyo ah islamarkaana aan looga faaiidaysan ujeedooyin aan ilaa hada la garan karin halka ay salka ku hayaan, waxa jira oo waliba badan dhalin yaro badan oo rabshado sameeyay islamarkaana dadka booba oo mobilada ka xooga kuwaas oo kale in la beegsado oo loo isticmaalo quwada ciidamada amaanka ayay ahayd balse may mudnayn in inan yar oo timo la baxay awood ciidan la galiyo oo waliba keeni karta xasilooni daro iyo kacdoono wiiqikara abniga ileen marka qofka naftiisa ay gaadho isagoon wax danbiya ku jirin waxa imanaya inuu sameeyo dariiq kasta oo uu ku badbaadayee.

Dhanka kale arintan dhalinyarada timaha lagaga xiirayo ayaa saamaysay waxbarashadii dhalinyaradan kadib markii ay dhalinyaro faro badani aanay ka xaadirin goobihii wax barasho ee ay cilmiga u raadsanayeen balse ay cabsi awgeed ay u tagi waayeen dhalinyaradaasi.

Muuqalkani laftiisu waa mid ka mida muuqaaladii dadkeenii hore bal aad u dhugo

Si kastoo ay tahay waxa marag ma doona in ay jiraan arimo hadoodilan oo hawlagadani ay ka soo baxeen iyo curiyayaashii ama hal-abuurkii aragtidan lahaa oo waliba aan cadayn waxa se iswaydiin mudan halka ay ka taagan tahay ama ogaalkeedaba xukuumadan uu gadhwadeenka ka yahay madaxwaynaha dhawaan shacbigu codka aqlabiyada ah ay ku doorteen oo markaad eegto dhalinyardu ay leeyihiin ma fartayadii ayaa noo dhashay in timahayaga askartu u timaado taasina waa mid ku tusaysa in aragtiyihii bulshada mid ka mida ay tahay oo ahayd in la rabo in xukuumadan cusub iyo dhalinyarada laysku jeediyo waana arin xasaasi ah oo mudan in madaxwayne biixi uu dhugmo fiican u yeesho si aan dhalinta loogu kicin.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews