marsanews.com
Hiigsigii Hayaanka Horumarka Magaalada Hargaysa Oo Hiilkeeda Uu Noqday Maayirka Wax-qabadka u Hanuunsan
March 17, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Hindisaha horumarineed ee shabiga ku dhaqan magaalada hargaysa ayaa ahaa kuwo ku nool rajo islamarkaana in badan ulanayay inay helaan maayir ka shaqeeya bilicda iyo kobaca horumarinta magaalada hargaysa.

Duqa caasimada jamuuriyada somaliland ee hargaysa C/raxmaan maxamud caydiid (Soltelco) Waxa uu noqday masuulkii in tabadan ay qiraha ku hayeen shacbiwaynaha reer hargaysa markaad eegto nidaamkiisa shaqo iyo sida hagar la’aanta ah ee uu ugu tafaxaydan yahay ka run sheegista xilka umada uu u hayo, waana mid ka mida riyooyinkii inta badan filashada shacbigan ahayd.

Maayirka magaalada hargaysa waxa uu suurta galiyay horumar badan oo ay tahli kari waayeen dhigiisi uga horeeyay maamulka dawlada hoose oo hadii aad mudo xileedkiisi ka hor dib u yara celiso xusuusta waxa kuu soo baxaysa qabyadii jirtay iyo haatan sida ay u wada asturantay ee bilicdii magaalada aanay indhuhu ka dhargayn.

Wadooyin badan oo hargaysa ku yaal waxa aad ku maraysaa tamashle tiyoo ay gaadiidku si raaxo ku jirto u dul gooshayaan, waxa iyana aan la hilmaamayn dhanka iliiladaha biyaha oo laftoodu maayir soltelco ka hor ay ahaayeen kuwo xili roobeedka qashin iyo biyaha oo iswataa ay laamiyada soo buux dhaafin jireen halka maanta ay gabi ahaan ba yihiin kuwo si hagar la’aana loo nadiifshay oo biyhii qashinku awdayay ee laamida imanayay aanay jirin ee iliilad kasta ay si qumaatiya biyhu u marayaan.

Dhanka kale waxa suulay muranadii dhulka ee ka curan jiray maamul xumida dawlada hoose oo haatan ma maqlaysid muran dhul oo dhibaato ka dhacayso halka hore ay uguba naf bixi jireen dad tiro badani balse haatan arintaasi waxay noqotay mid maamulka xiligan nka arimiya dawlada hoose uu guul ka gaadhay oo uu umada si cadliya ugu shaqeeyo oo waliba daacadnimona u hela.

Dhanka u samafalka shabiga waxaan muran ka taagnayn in maayirka hargaysa uu noqday mid xil iska saaray dadka danyarta ah ee ku ganacsada suuqyada kala duwan ee magaalada isagoo sida suuqa waaheen iyo gobanimo oo labadaasi ah labada suuq ee ugu wayn hargaysa uga dhex bineeyay dhismayaal ay kaga ganacsadaan halkii ay hore u ahaan jireen bacad-yaalka balse haatan ay yihiin kuwo cadceedii iyo habaaskii iyo dhibkii dibad fadhiga kaga soo doogan doona dhismayaasha u socda taasina ay tahay mid ka turjumaysa ka run sheegista u adeegista shacbiga xilku uu ka saaran yahay.

Si kastoo ay tahay waxa rumoobay hiigsigii himilada shacbiga reer hargaysa ay ugu heelanaayeen helista horumarka haatan ay haystaan oo ku yimid shaqo wanaaga, daacadniomada iyo lexejeclada maayirka da’da yar ee mayalka u haya hogaaminta dawlada hoose ee hargaysa oo isaga ay taariikhdu xusidoonto.

Contect: Marsa74editor@yahoo.com ama tell:0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews