marsanews.com
Hirdanka Wadamadda Khaliijka’ Fursadda Ay Somaliland Ka Heshay Ma Noqon-doonta Mid Ka Faaiidaysata Mise Way Lumin Doona?
March 17, 2018 - Written by editor marsan

24 saacadood ka hor, xilligan, wakiilka u fadhiya dalka Qatar magaalada Muqdisho ninka lagu magacaabo Hasan Bin Hamza Asad Mohammed oo uu wehelinayo dilaalkooda siyaasadda ee Muqdisho Fahad Yaasin, waxay ku gaaf wareegayeen xarumaha baarlamaanka ee Muqdisho xaruntoodu tahay.

Mid ka mid ah xildhibaanadda aqalka hoose ee baarlamaanka magaalada Muqdisho ayaa ii sheegay in dorraad markii ay ansixinayeen qaraarkii lagaga mamnuucaayay Soomaaliya shariikadda DP World loo qaybiyay xildhibaanadda bushqado lacag ah oo ku jirta xidhmooyin bunni ah, oo ay ku dul taallo “hadyad idiinka timid Qatar”.

Mandaqada Berriga dhexe iyo biyaha dagallada kulula gacanka cadmeed waxaa ka bilaabmay dagaal aan noociisu hore usoo marin, oo aan gacmaha la iskula tagin, hayeeshe loo isticmaalayo “ninba ceesaantii ceelka keen”.

Dekedda magalada Berbera waxay dagaalkani u noqotay udub dhexaad, Somaliland waxaa soo gallay dan siyaasadeed oo aan taariikhda intii ay qaranimada Somaliland jirtay, 27 kii sannadood ee la soo dhaafay aan hore usoo marin.

Telefishanka afka dheer ee Aljazeera ee lagu bixiyo maalka laga soo mooday gaasta loo yaqaano LNG ee dalka Qatar qanniga ku tahay, ayaa 48 saacadood ee ugu danbeeyey aan afka ka dhigin, heshiiska DP World, Somaliland iyo Ethiopia dhex maray.

Waxay usoo direen mandaqadda laba weriye oo midi siiqda codkiisa ka soo bilaabay xeebta Jibouti ka kalana uu ka soo tabinaayay magaalada Muqdisho.

Dalka Emirateka Carbeed.

Dagaalka Emirateka Carabta iyo Qatar u dhexeeya wuxuu ka bilaabmay hirdan salka ku haya awoodda diblomaasiyadda deegaanadda khaliijka carbeed ilaa dagalka beriga dhexe.

20 kii sannadood ee ugu danbeeyey, dalka Qatar waxay u isticmaaliyeen dakhliga ka soo galla shiidaalka, inay miisaan siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeedba ku yeeshaan mandaqada cidhif ilaa ka cidhif, waxay maalgeliyeen maleeshiyaad Jabhatul Nusra ee ka dagaalama dalka Suuriya, iyadoo ujeedada koobaad ee ay dirirtaasi ugu jiraana ay salka ku haysay in marka Basharal Asad xukunka laga tuuro waaba haddii ay dhacdo eh, ay ka hirgeliyaan mashruuc weyn oo ah beeb gaasta qaada oo ka soo bilaabma Qatar, soo dhex mara Suuriya una tallaaba ilaa Turkiga, isla markaana qaaradda Yurub sidaasi gaasta ku gaadhsiiya.

Waana sababta dalka Turkigu uu u taageersanyahay dalka Qatar, halka dalalka Sacuudiga iyo Emirateku ay taasi u arkaan khatar weyn oo mandaqadda ku soo biirtay.

Somaliland iyo Dagaalka Qabaw

Somaliland marka horaba dan siyaasadeed lagama lahayn, waana ta keentay in 27 sannadood cidi qaranimada Somaliland garawshiyo u yeelan waydo, bal hadda dib uun u raac taariikhda, dal kasta oo mandaqadda ku yaalla, marka ay Somaliland aqoonsi weydiisato, waxay ku af gobaadsan jireen “waxaanu noqonayna dalka labaad ee idin aqoonsada” taasi waa luuqad kale oo ah “dan ayaan nagaga kiin jirin”.

Ka sokow maalgashiga dekedda Berbera ee shariikadda DP World iyo siinta dalka Emirateka saldhiga militery ee Berbera, ku biirista dagaalkani afka iyo diblomaasiyadda Somaliland xaqiiqdii wuxuu taro mooyaane, inaan waxba yeelayn.

Awoodda Dhaqaale iyo Diblomaasiyadeed ee Emirateka Carbeed.

Marka laga yimaado dalka Israel, dalka Emirateka Carabtu, waa dalka ugu olole siyaasadeed balaadhan dunida (the most lobbyist country in the world), markay noqoto masraxa siyaasadda, tusaale ahaan labadii sannadood ee la soo dhaafay dalka Emirateku wuxuu ku kharash gareeyey olole siyaasadeed lacag gaadhaysa 14.5 bilyan oo dollarka maraykanka ah.

98 mudane oo ka tirsan golaha Senateka ee dalka maraykanka ayaa ku qoran inay yahiin saaxiibo u dhaw dalka Emirateka oo ilaaliya danaha Emirateku ka leeyahay dalka maraykanka, waxaa tusaale kugu filan 48 saacadood ka dib markii dalka Jibouti ay dalkeeda ka saartay shariikadda DP World, golaha Congresska ee dalka maraykanku wuxuu u yeedhay ninkii ugu sareeyay ciidamadda dalka maraykanka qaaradda Afrika, yeedhmada waxaa olole u gallay dalka Emirateka Carabta.

Gacanta olole siyaasadeed ee dalka Emirateku wuxuu gaadhay inay ka takhalusaan xoghayahii arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Tillerson.

Dhaqaalaha dalka Emirateka waa 370 bilyan oo dollarka maraykanka, halka dalka Qatar uu yahay 160 bilyan oo dollar, Emirateku seddex jeer ayuu ku soo laban laabma Qatar, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo militery ahaanba.

magaalada Dubai waa xarunta maaliyadda ee isku xidha Aasiyada koonfureed ilaa Afrikada galbeed, 80 dawladood ayaa bangiyadooda ganacsi ka furanyahiin dalka Emirateka, waxaana mara sannadkii lacago la isku tabiyo oo gaadhaya ilaa 2 trillion oo dollarka maraykanka ah.

Faa’iidada Siyaasadeed Ee Somaliland Ugu Jira Taageeradda Emirateka

Somaliland markii hore ma lahayn xulafo, ee waxay siyaasadda ku lahayd saaxiibo aan joogto ahayn (temporary friends), maantase Somaliland waxay yeelatay xulafo siyaasadeed (poltical alliances), weliba xulafado kala xoog badane, xulafo xoogeedii dhaqaale iyo midkii siyaasadeedba leh.

27 kii sannadood ee Somaliland madax banaanida ku taamaysay, waa markii ugu horaysay ee nasiibka iyo waayahuba u saamaxeen inay hesho cid ay qaddiyadeeda kula gasho heshiis, waana fursad qaali ah oo aan hore iyo dib usoo marin, waxayse ku xidhantahay siyaasiyiinta Somaliland ee midida daabkeeda haya siday uga faa’idadeeyaan qarranka Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews