marsanews.com
Hogaamiyaha Dhabta Ah Waa Ka Garanaya Halka Loo Socdo Oo Yool Cayiman u Leh
October 1, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Hogaamiyaha Dhabta ahi hibo gaar ah ma’ laha, laakiin waxa uu doonayo raadintiisa ayaa ah inaanu ka daalin ilaa uu taabto dulucda yoolkii u muuqday.


Taa macnaheedu maha inay ka maqan tahay dhamaanba talent ka iyo sifooyinka hogaamintu (good leadership) laakiin nuxurku waa majiro qof dhasha isagoo hogaamiye ah òo u tababaran hogaamiyenimo rasmiya (creative by nature) waxase hubaal ah qofkasta oo kasoo dhexbaxa bulshada uu ku dhexnool yahay isla markaana ula muuqda bulshadiisa inuu leeyahay hibo hogaamineed kaliya waa inuu yahay mid dhaxlay kuna talaalmay xigmado farabadan oo kala duwan xikmadahaas oo ku qotoma kana turjumaya dhamaanba nolosha aadamaha dirka ama isirka uu doono ha ahaadee.

Halkaa waxaa ka cad inuu hogaamiyaha runta ahi leeyahay hibo labeeray oo lagu tabcay kadibna muujiyay inuu yahay qof aflaxay si fiicana wax uga bartay dabeecadaha nolosha,
laakiinse aanu ahayn mid dhashay isagoo hogaamiye ah.
Sidaa darteed hogaamiyaha dhabta ahi wuxuu jeexaa wadooyin cusub oo loo baahnaa in la helo si ay isu daboolan albaabada noolaha daruuriga u ah loona helo fursado muhiim u ah bulshada ama furaha noloshaba,
Wax cusub inuu soo kordhiyo macnaheedu ma’aha inuu maskax badanahay, balse waa in uu waqti fiican siiyey xallinta mushkiladaha soo maray ama markaa horyaala. Taas baa keenta inuu noqdo mid muuqda lana aaminikaro hogaamintiisa.
Run ahaantii ma qurux badna inuu qofku iscajabin ku kooban isaga oo qudha ku dalbado in loogu yeedho sifo aan bulshadu ku aqoon amaba xikmad gaara oo isaga iyo naftiisa mooyee inta kale ka xogla’dahay gaar ahaan bulshada ay wada noolyihiin,
Kaasi lama odhan karo waa hogaamiye xataa haduu yahay mid maskax badan. Xikmad baa tidhaahda;

Inta aanad ciyaarta bilaabin baro xeerarkeeda, waxa aad noqon doontaa qofka ugu ciyaar fiicane.

Adigoon u sheegin dadka ninkaad tahay ama sanka ka geliya bulshada waxaad tahay’ Waxaa ka fiican in bulshadu kuu sheegto ninkaad tahay iyo waxaad ku wanaagsantahay inaad u qabato iyaga!.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews