marsanews.com
Hogaamiyaha Mucaaridka’ Xukuumada Farmaajo Oo Taageeray Heshiiska Maalgashiga Dekeda Berbera. Daadafeeyayna Hadalkii Maamulka Muqdisho
March 12, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Gudoomiyaha Xisbi Siyaasadeedka mucaaridka ah ee WADA-JIR ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah mucaaridka ugu wayn Xukuumadda Farmaajo ayaa taageeray Mashruuca horumarineed ee Maalgashiga Dekeda Berbera ee Somaliland.

Kana qaylinayaan Maamulka Xamar waxaana uu ugu baaqay Masuuliyiinta Maamulka Muqdisho inay ixtiraamaan Heshiiskaaska, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u soo jeediyay Masuuliyiinta maamulka Xamar inay ixtiraamaan heshiiskan Berbera oo uu sheegay inuu waafaqsan yahay Heshiis ay Somaliland iyo Soomaaliya iyo waliba beesha Caalamku ku galeen Caasimada dalka Biljimka ee Brusells 2013-kii.

Kaasi oo lagu heshiiyay in Somaliland si gaar ah loola macaamilo islamarkaana aan la carqaladayn oo aan la siyaasadayn Wixii Horumar ah ee dalka ku talaabsanayo hadii ay tahay maalgashi dibadeed iyo haddii ay tahay arimo kale oo kor loogu qaadayo dhaqaalaha dalka iyo horumarkiisa.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebookga soo dhigay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADA JIR ee Soomaaliya Md, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay in dib loo raaco heshiisyadii ay labada dhinac waa somaliya iyo somaliland e ay ka dhigteen arimaha horumarinta dalka, waxaana uu yidhi  “Maaha ah in la hor istaago horumarka Somaliland iyo Heshiiska Berbera, Somaliland ,Beesha Caalamka iyo Soomaaliya ayaa hore ugu heshiiyay “The Somali Combat” waa in “New Deal-kii lagu saxeexay Brussels 2013-kii waa in la raaco, waa in macaamil gaar ah la siiyo Mashaariicda Horumarinta Somaliland (The Somaliland Special Arrangement)”.ayuu hadalkisa ku soo koobay.

Sources Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews