marsanews.com
Hogaamiyaha Wadani Xirsi Gaab’ Waxaan Shalayto Yeelaan Maantana La Yaabaa
August 2, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Xiliyadan danbe Waxa in badan aynu warbaahinta ka aragnaa xirsi oo ka hadlaya musuq-maasuq, cabudhin, cagajuglayn, qabyaalad iyo waxyaalo la hal-maala.

Tagtadii ina dhaaftay ee aan waliba sii durugsanayn kumuu ahaa xirsi maxay se afcaashiisa iyo hogaamintiisu ahayd? dabcan waa suaal jawaabteeda ilmaha sabiga ahi garan karo, markaad eegto habka iyo hanaankii uu ku soo galay saaxada siyaasada waxay ahayd hab-qabaliya oo wuxuu ahaa inan adeerkii daaqada ka so galiyay oo waliba dhigay halkii u saraysay ee dalka laga hagayay oo qabyaalad ayuu ku yimid aan caad saarnayn, waa qodob kaasi, marka xiga waxa iyana meesha taala sidee ayuu ugu shaqeeyay awoodihii aan mudnayn inay gacantiisaba gasho, taana waxa uu ka yeelay si laga wada dharagsan yahay oo waxa uu markiiba ku kacay talaabooyin taariikhda siyaasada iyo habka hogaamineed ba ugub ku ah kadib markuu xusbigii xukumadu codkiisa ku fadhiday uu dagaal ku qaaday mid afka ah mid ficil ah ba, waxa taas u sii dheerayd inuu gabi ahaan ba hantidii dalka iyo umadan taagta daran uu jeebka ku shubtay kuna tagri falay isla markaana aanu qarsan bee uu si badheedha warbaahinta ugaga baanay inuu yahay afartan jir afartan milyan haysta, halkaa ayaan yara dul istaagaynaaye miyaan suaali ku jirin odhanaysa.

Halkuu ka keenay afartanka milyan garanay inuu afartan jiryahaye lakiin afartankan milyan ee uu sheeganayo halkee ayay uga timid? suaasha iyana si fudud ayaa jawaabteeda loo helaya oo waxa cad inay tahay hantidii maasaakiinta cashuurtoodii laga qaaday inuu jeebkiisa gashaday cid xisaabisayna aanay jirin waliba umadii uu hantideeda qaatayna la soo hortaagan yahay si indho-la’aana ayaan afartan milyan oo aad leedihiin u haystaa miyaanay ahayn wax laga yaqyaqsoodo.

Iyana aan bal eegno dhanka cabudhinta iyo caga juglaynta uu xiliyadan danbee uu wadani hogaamiyaha u noqday uu ka hadlo oo waliba taasi iyada waxay galaysa oo isaga iyo hebelo maanta mataano ku yihiin waddani ay sameeyeen waxan uu cabudhinta ku sheegayo wax ka wayn oo dhiig caruureed ayay daadiyeen, bal u soo noqo oo dib u milicso Ururkii Xaqsoor iyo mudahraadadoodii waxay ka sameeyeen xirsi iyo duur, wax aan iinsaanimada ka baxsaan oo si badheedha ay ugu gooli-baadheen ciyaalkii yaryaraa inay rasaas ooda kaga qaada yidhaahdaan oo waliba raad iyo marag cad loo hayo amaraday bixiyeen ee ahaa inaan loo aabo yeelin ee la laayo isla markaana intaas oo caruuri ay ku nafwayday taasi iyo kuwo kale oo ka sii xun miyaanu ahayn inankii shalayto umada ku samaynayay sidee ayuu maanta umada usoo hor-istaagi karaa, waxaan filayaa dadka reer somaliland ayaa ah qaar dhoyla ileen kanoo kale umad muu hor-yimaadeene.

Waxa jirtay dhacdo kale oo iyana xusideeda mudan oo ahayd inuu xirsi xabsiga ku dhigay gabadh yar oo uu yidhi massage bay igu soo cayday isagoo masuul qaran ah isla markaana mudo aan la koobi karin ay xabsiga ugu jirtay, Markaa kiyoo waxaas oo dhito ah ay u yaalan ayuu hadana rabaa inuu maanta dadka la soo hor istaago kanaa sidaasa iyo waxbaa la cabudhinayaa, qabyaalad baa la samaynayaa, ciidan baa la adeegsanayaa, bilaa caleeg haduu damiir ku jiro umada wuu ka xishoon lahaa haduuse ka xishoon waayay isaga in laga xishood siiyo ayaanay ka firsanayn oo tooshka la daba qaado waxase si taxane ah aanu u soo gudbin doona waxuu shalayto samaynayay ee uu maantana la yaaban yahay oo ah waxaan shalayto yeelaan maantana la yaaba. Akhristayaasha qiimaha badan ee mareegtan ku xidhan waxaan idiin balan qaadaynaa inaanu maalinba qormo ka hadlaysa afcaashiisi iyo amar ku taaglayntiisii inaanu iyadoo cad oo cod iyo qoraalba ah idiin soo bandhigi doono ee Filasho wacan.

Wrettin by cheif editor c/risaaq maxamed axmed

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews