marsanews.com
Hogaamiyayaasha Mucaaridka Oo Heegan Ugu Jira Sidii Masayrka Shacbiga Reer S/land Gacmo Shisheeye u Soo Dhexgali Lahaayeen Tiyoo Caadadii Dalkan Iyo Dadkani Ahaan Jirtay Geedka Hoostiisa
December 9, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Somaliland oo madax banaanideeda dib ula soo noqtay 1991-kii kadib halgan dheer oo qadhaadh, naf iyo maalna lagu waayay, ayaa aqoon-yahanka, madaxda dhaqanka, iyo waxgaradka reer somaliland ay goaan sadeen in xaajo kasta oo cakiranta ba ay ku dhamaystaan geedka hoostiisa, taasi oo ay ku hagayeen xeer-beegtina ugu ahaayeen odayaashii milgaha iyo maamuuska badnaa ee Guurtida.

Somaliland waxa ay soo martay duruuf kala duwan oo mid kastaaba waayaheeda lahaa, arinkasta oo la soo darista islamarkaana caqabad ku noqota hanaanka maamul ee dalka waxa lagu maarayn jiray is fahan, wada tashi, iyo is turxaan saarid tiyoo laysku qancin jiray dooda miiska dushiisa.

Waxa dhacdo ugub ah oo in siyaasiyiinta sabankan oo iyaga aad dareemayso lexejeclo darada ka haysa dalka iyo dadkaba inay dhaqan iyo caado ka dhigteen ashkatooyin ay sheegaan inay beesha caalamka u gudbiyaan, tiyoo aanad garanayn cida ay ashkataynayaan, waxase aan muran ku jirin in gacan-togaalaynta ay beesha caalamka ugu baaqayaan ay tahay mid ay rabaan in masayrka umadan aayaheeda ka tashatay ay rabaan inay u gacan galiyaan gacmahaa shisheeyaha oo ahayd mid qudha ee somaliland ay ka bad qabtay haatan se aad arkayso in booraan loo qodayay mudooyin badan lagu sii ridayo.

Hogaamiyayaasha mucaaridka oo ay wehelinayaan shaqsiyaad kale ee uu hormood ka yahay maxamed biixi yoonis ayaa indhawaanahan ba ku mashquulsanaa sidii ay somaliland u soo faragalin lahaayeen waxan ay ugu yeedhan beesha caalamka, taasi oo haday suurta gasho noqon doonta sidaa somaliya inay degiba waydo somaliland oo xasiloonidu faraha ka baxdo, waayo? somaliland waxa ay halkaa ku soo gaadhay waa aayo ka tashigeeda iyo isku kalsoonideeda waana mid ay dheer tahay somaliya oo gacmo shisheeye ay halkaa dhigeen,

Bulshada reer somaliland ma noqon doonan kuwo aqbal waxa la yidhaa beesha caalamka waayo? ma jirto waxa ay somaliland gashadeen mana jirto wax wanaaga oo ay u hayaan, sababtoo ah beesha caalamku waa ta xaqa iyo xuquuqda reer somaliland duudsiday ee hortaagan inay somaliland ka mid noqoto beelwaynta caalamka, markaa nin kule ma jirtid maaha mid wanaagaaga ka shaqaynaya.

Waxa yaabaha la yaabka leh ee gudoomiye ciro iyo faysal cali waraabe iyo waliba maxamed biixi yoonis, ay ku kacayaan waa golayaashii sharci dajinta oo ay leeyihiin ma jiraan, islamarkaana waxa sharciyada dalka ku shaqaynaya beesha caalamka oo wafti ay soo diraan inoo yeedhin doono waxa ay rabaan, waa mid subxaanalah oo laga xishoodo.

Gabagabadii gudoomiye ciro laga yeeli maayo, golahaan shalay gudoominayay ee sharciga ahaa maanta ma jiro maaha mid umadu aqbali karayso, mana aha mid shacbiga iyo dawladuba ay qaadan karayaan, in safiiro nairobi jooga ay somaliland masayrkeeda ka arimiyaan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews