marsanews.com
Horjooge Gaas Ka Maleeshiyaadka Puntland Oo Qirtay Inuu Ku Jabay Dagaaladii Tukaraq
May 27, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Horjooga ha maamulka maleeshiyaadka Puntland ayaa shuruudo muujinaya jab ka soo gaadhay dagaaladii tukaraq sabab uga dhigay wada hadalo lagu soo dabaalo nabada colaada deegaanka gobolka sool.

Cabdiweli Gaas oo ka hadlaya arrinta dagaalka ayaa sheegay in Puntland ay mar waliba ku taagan tahay wadada difaaca, hase ahaatee aysan diyaar u aheyn inay ku xadgudubto maamul jaar la’ah.

Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in dagaalka ay kula jiraan Somaliland micnuhu uusan ka turjumeynin inay diidan yihiin nabadda, waxa uuna cadeeyay in Puntland ay waligeeda ka shaqeyn jirtay sida ay nabad ugu wada noolaan lahaayen Somaliland.

Gaas, ayaa tilmaamay in Puntland ay soo dhaweyneyso nabadda iyo baaqyada kaga imaanaya saaxiibada caalamka hase ahaatee ay munaasib tahay in Somaliland laga helo fulinta Seddex shuuruud oo kala ah:

1-In ciidamada Somaliland laga saaro aaga Tukaraq isla markaana la geeyo halka xadka u ah.

2-In gacanta Puntland dib loogu soo celsho Maxaabiista iyo hantida lagu furtay dagaalka Tukaraq.

3-In Somaliland aysan rasaas dhankeeda uga imaan doonin Puntland inta ay waan waantu socto, isla markaana la durkiyo ciidamada Somaliland ee soo galay Tukaraq.

Gaas, ayaa ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating oo ay kuwada hadleen qadka Teleefanka u sheegay in Puntland aysan diyaar u aheyn dagaal dhiig ku data.

Gaas waxa uu mar kale Michael Keating u ballanqaaday in Puntland aanay dib u weerari doonin ciidamada somaliland, hase ahaatee ay dooneyso in dagaalkaasi lagu joojiyo shuruudo cad oo aan xadgudub laheyn, iyadoo la raacaayo Seddexda shuruud ee kor ku xusan.

Sidoo kale, Gaas, iyo Michael Keating oo saacadihii ugu danbeeyay ay kuwada hadleen qadka Teleefanka ayaa isku waafaqay in xal degdeg ah laga gaari  dagaalka, balse inta uu xalku socdo ay Puntland joojinayso dagaalka.

Arintan ayaa marag cad u noqonaysa in gaas ay damqasho badan ka soo gaadhay dagaaladii tukaraq ay ku soo qaadayeen maalmihii u danbaysay.

Maamulka Somaliland ayaa dhankiisa Isna shuruudo adag ku xidhay oo odhanaya in ciidamada somaliland aanay dib uga soo noqon doonin xuduudaha dalkooda islamarkaana ay diyaar u tahay wada hadalo nabadeed balse aanay suurta gal ahayn in ciidanka laga soo raro aaga tukaraq.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews