marsanews.com
Hotelka SYL Oo Wali Al-shabaab Ka Dhex Dagaalamayso Iyo Xildhibaano Dhaawac Ah Oo La Soo Badbaadiyay + Khasaare Dhimasho Oo Laxaadle
December 10, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhay hotel SYL ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weli haysato qaybo ka mida hoteelka islamarkaana ay ka dhex dagaalamayaan.

Weerarka ayaa bilwoday daqiiqado ka hor 7-dii fiidnimo ee wakhtiga Muqdidhso, Waxaana la sheegay in maleeshiyaadka ay qaar ka midi rasaas ku fureen ciidamada ilaalada madaxtooyada, halka kuwo kalena ay galeen hoteelka SYL.

Waxaa jira khasaare nafeed oo xooggan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ba balse weli lama hayo tiri rasmi ah.

Waxaa la xaqiijiyey in ugu yaraan laba ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay ku dhaawacmeen weerarka, halka qaar kalena la soo bad-baadiyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan saraakiisha amniga ayaa sidoo kale sheegay in 50 qof oo shacab ah laga soo bad-baadiyey hotelka, kiyoo dagaalku wali socdo

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmana Cumar Jeeniqaar oo taliye u ahaan jiray Danab ayaa ku sugnaa hoteelka marka weeraku dhacay. Waxa uu VOA u sheegay in ciidankiisa ay difaaceen isaga iyo dad kale oo badbaaday.

Waxa uu sheegay taliyuhu in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay ku hubaysnaayen qoryaha fudud iyo barmbooyinka gacanta laga rido.

Hoteelka SYL ayaa ku yaalla meel u dhyow madaxtooyada. Hoteelka ayaa laba jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.

Weerarka maanta waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-Shabaab waxayna sheegteen inuu ku aadan yahay huteelka SYL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews