marsanews.com
Idaacadaha Afka Somaliga Ku Hadla Ee (BBC & VOA) Oo Ka Mid Noqday Cadawga Dagaalka Qaawan Kula Jira Somaliland
June 4, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Labadan Idaacadood ee u warama bulshada afka soamaliga ku hadla ee xarumahooguna kala yihiin dalalka maraykanka iyo ingiriiska ayaa mudooyinkan danbe ka fogaaday dhexdhexaadnimadii iyo waliba sugida xaqiiqada dhacdooyinka ay baahiyaan.

Idaacada Bbc oo iyadu ah mid qadiima oo mudo aad u badan dhagaystayaasheeda ugu badan ahaayeen shacbi waynaha reer somaliland islamarkaana ahaan jirtay idaacad anshaxa iyo asluubta milgaha saxaafada aad u dhawrta oo sugta jiritaanka xogaha ay tabinayso iyo waliba dhexdhexaadnimada xaqiiqooyinka jira,  ayaa haatan noqotay mid ka fogaatay dhamaan xaqiiqdii iyo wararkii saxda ahaa ee ay ku kasbatay quluubta dhagaystayaasha reer somaliland iyo badiba somalida kale.

Mudooyinkan danbe Idaacada Bbc-da laanteeda afka somaliga ku hadasha oo ay ka hawlgalaan suxufiyiin gaara oo ujeedooyin gaar ahna uga faaiidaysta hawlqabadka baahineed ee idaacadaasi ayaa yool cayiman ka dhigatay borobogaandada iyo been abuuradka xaqiiqada ka fog ee ay kula dagaalamayaan madaxbanaanida jiritaanka qaranimada somaliland.

Tusaale

Inta ugu badan waxa ay baahiyaan warar aan jiritaankoodu sugnayn oo dhinac ka raran haday tahay xaalada guud ee siyaasadeed iyo haday tahay ta xuduudaha dalka oo badiyaa ay muran galiyaan, sidoo kale waxa iyana caado u ah xaqiraada sheegista magaca jamuuriyada somaliland, hadaad eegto dhanka doodaha marka ay qabanayso ee ay dood wadaajinayso xubin matalaysa somaliland iyo mid matalaysa somaliya waxa caado u ah in ay wakhtiga ku yarayso xubinta somaliland halka ay xubinta kale siiso wakhti ka badan kii u qoondaysnaa dooda sidoo kalena wariyaha dooda hagayaa laftiisu waxa uu noqdaa mid lidi ku ah dooda ama aragtida uu qabo xubinta somaliland matalaysaa oo wariyaha ayaaba la dooda una jawaaba, dhanka dadka telifoonada kaga qayb qaadanaya dooda waxa uu badiyaa siiya ama hadalkooda soo qaata inta dhinaca somaliwayn difaacaysa isagoo dhanka somaliland na markasta ka soo qaata laba dhagayste aragtidooda kuwaas oo waliba awdal iyo sool ah oo iyagu ay isleeyihiin malahooda qaldan waxay u xaglin doonan dhinaca taban ee somaliland lidiga ku ah.

Waxa intaa dheer oo badheedh haatan noqotay inay baahiyaan warar aan jirin sida dagaalkii deegaanka tukaraq ka dhacay oo ay yidhaahdeen duulaanka somaliland baa soo qaaday, taasina ay noqonayso mid meel ka dhac ku ah mihnada saxaafada ay ka shaqaynayaan.

Idaacada VOA Laanteeda afka somaliga ku hadasha ayaa iyaduna sidoo kale wakhti kasta ku jirta dagaal ka dhan ah somaliland iyadoo badiyaa adeegsata waraysiyada cidii wal ee ay isleedahay way daadafaynayaan jiritaanka qarankan rubuc qarniga ka badan jira islamarkaana iclaamisa warkasta oo ku lidi ah madaxbanaanida somaliland.

Guud ahaan labadan idaacadood laamahooga afka somaliga ku warama waxay ka siman yihiin weererka iclaamka oo ay kula dagaalamaan somaliland taas oo sababtu ay tahay wariyayaasha ka hawlgala labadaas laamood oo badidoodu ah dad badheedhe wada jira ka leh qaranimada dalkan iyo gooni isutaagiisa.

Afku Waxuu La Xoog-yahay Magliga Xawda Kaa Jara

Guud ahaan shacbi waynaha reer somaliland ee daafaha dunida ku kala nool waxa ay si cad ula socdaan weerarada labadaas idaacadood ay ku hayaan qarankooda islamarkaana waxa ay dareemo isku mida ka bixiyaan sidii looga fal-celin lahaa waxakastoo ay ku kacaysaba wallow haatan gudaha dalka badiba dadku aanay dhagaysan oo ay ka daaleen dhegxumadooda kuna sii dhaw-dahayna in wakhti aan fogayn laba waayi doono cid xitaa soo hadal qaada dhagaysi daayoo, maadaamo ay dagaalkii xabada ku ka xun oo ka sii xeel-dheer kana cadaawad badan ay ku hayaan qaranka somaliland ee dhiiga badani u soo daatay.

Wretting by Cheif Editor

C/risaaq Sheekh Maxamed

Email: Abdirizake74@gmail.com Ama Tell: 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews