marsanews.com
Isbarbar-dhiga Go’aankii Naxariista Badnaa Ee Cali Mareexaan Ka Qaatay Gabadhii Fly Dubai Laga Reebay Iyo Xirsi Gabadhii Yarayd Ee Uu Xabsiga Dhigay
August 27, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Go’aankii geesinimada lahaa ee wasiir cali mareexaan ka qaatay gabadhii muwaadinada ahayd ee ilmaha yarna sidatay lagana reebay diyaarada fly dubai iyo gabadhii yarayd ee xirsi xabsiga ku riday ayaan warbixintan ku naaqishi doona.

Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guryaynta Md, cali mareexaan ayaa qaatay go’aan in badan bulshada reer somaliland ka farxiyay isla markaana muujiyay shaqsiyadiisa iyo waliba naxariista uu u hayo shacbiga uu wasiirka u yahay kadib markuu sida ku dhaca leh uga dhiidhiyay facaailkii xumaa ee lagula kacay gabadha ilamaha yar sidatay ee muwaadinada ah isla markaana diyaarada fly dubai shaqaalaheeda iyo waliba masuuliyiinta arxanka daran ee madaarka hargaysa ay si qasab ah uga soo reeben ugana daadajiyeen diyaaradii ay raacaysay isla markaana uu wasiir cali mareexaan oo isna diyaarada saarna u adkaysan waayay tacadiga gabadhaasi loo gaysanayo sidaana uu ku gaadhay go’ain in aanu isna raacin diyaaradaasi ku xadgudbaysay muwaadinada oo uu kaga hadhay isagii iyo gabadhii laga soo reebayba ay diyaarad kale raaceen isla markaana halkaa uu wasiir cali mareexan ku noqday shaqsiga loogu hadal haynta badan yahay ee ku sifoobay, naxariista iyo tudhaalaha wasiirka u leh shacbigiisa.

Hadaba bal aan eegno xirsi xiligii uu ahaa wasiirka madaxtooyada facaailkiisi iyo dareenadii axmaqnimada lahaa ee uu bulshadiisa kula kici jiray, oo waliba dhacdadan wasiir cali mareexan uu waajibaadkiisi shaqsinimo iyo kii masuuliyadeed be ku gutay kuna kasbaday sumcadiyo karaamo, balse xirsi uu sidan cali mareexaan badalkeeda sameeyay oo inan yar oo muwaadinada uu xabsiga ku riday isla markaana cid alla cid ka furdaamisa la waayay oo gabadhaasi yari ay xabsiga mudo ka soo laacday iyado ah muwaadinad uu awooda dawliga ah ugu tacadiyay oo uu garan waayay masuuliyada uu umada u hayay ugana faaidaysanayay xilkaa uuna garanayn ee uu umada u hayay taas oo ka turjumaysa qofnimadiisa iyo heerka aqoontiisa iyo garaadkiisa shaqsiyadeed ay gaadhsiisan tahay oo ah mid aan naxariis ku soo dhixin ama aan tudhaale shaqo ku lahayn isla markaana kalsooni daro u ehel ah isagoo gabadhaas yar kaga cabanayay ama xabsiga u dhigay massage ama fariin ayay igu soo cayday, taasina ay tahay kalsooni daro maadamo uu ahaa masuul qaranka xil u haya in gabadh yar oo caruurtiisa leeg uu fariin bay isoo qortay xabsiga ku dhigaa ay ahayd mid aan bila-aadanimada ku jirin isla markaana ciqaab aan mudnayn xitaa waxii sharcigu dhigayay uu mariyay.

Hadaba akhriste bal labada masuul ee midna diyaaradii uu saarnaa uga hadhay gabadha muwaadinada ah ee lagaga reebay kibirka iyo tacadiga lagu sameeyay midna uu isagii kibir iyo tacadi u gaystay gabadh la mida taa uu cali mareexan diyaarada uga hadhay balse xirsi uu isagu xabsiga ba ku riday miyaanay labadaa masuul kala  noqonayn maan baray iyo maan bilaal.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews