marsanews.com
Itoobiya Oo La Sheegay Inay Hakisay Saamigii Maalgashi Ee Ay Ku Lahayd Dekada Berbera
March 10, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Dowladda Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay joojisay maalgashigii ay ku laheyd dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, sida uu qoray wargeyska Capital ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaasi.

Wargeyska ayaa daabacay in todobaadkii la soo dhaafay xukuumadda Addis Ababa ay hakisay 19% saamiga maalgashigii ay ku laheyd dhismaha iyo ballaarinta dekeddaasi.

Sidoo kale warbixinta wargeyska ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay dooneyso in deked kale ay ka sameysato dalka Suudaan.

“Itoobiay waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.” ayuu yiri wargeysku.

Illaa iyo hadda si rasmi ah dowladda Itoobiya ugama hadlin arrinta dekedda Berbera, balse wuxuu wargeyska Capitaal wareystay wasiirka gaadiidka Dagmawit Moges oo faah faahin ka bixisay qorshaha ay ka leeyihiin dekedda ay ka sameysanayaan dalka Suudaan.

Sidoo kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dawlada Somaliland oo ku saabsan warbixinta wargeyskaasi qoray.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dhowaan dalka Imaaraadka Carabta uu ka laabtay qorshihii uu saldhigga milatari kaga dhisanayey magaalada Berbere ee Somaliland.

Source: https://www.capitalethiopia.com/featured/ethiopia-to-develop-new-port-in-sudan/

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews