Itoobiya Oo Shaacisay Tiro Cusub Oo Dad Laga Helay Caabuqa Corona-virus
March 29, 2020 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Dawlada fadaraalka itoobiya ayaa sacadihii la soo dhaafay shaacisay dad cusub oo dalkeeda laga helay caabuqa coronavirus iyadoo goordhawayd ay wasaarada caafimaadku Laba 2 qof oo kale in laga helay ay xaqiijisay inay qabaan caabuqa CORONA VIRUS, taasoo kadhigaysa tirada guud ee dalka itoobiya 21 qof.
Wasaarada caafimaadka federalka itoobiya ayaa 6 saacadood ka hor shaaciyay in 3 qof oo cusub laga helay, immikana 2 qof oo kale taa soo kadhigaysa tirada maanta la xaqiijiyay 5 qof.
21 kii la xaqiijiyay inay qabaan cudurka Corona virus ka, ayaa kala ahaa 2 Japanese dalkoodii baa loos qaaday, 2qof oo kalena la sheegay inay ka bogsadeen walow wali meel gaar ah lagu hayo, halka ay hada ujiifaan 17 qof.