marsanews.com
Jawigii Golaha Ee Saaka Iyo Ciidamo Lasoo Dhoobey Xarunta Wakiillada + Fadhigii Oo Baaqdey
August 20, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Saaka oo ay ahayd in golaha wakiilada somaliland ay fadhiistan isla markaana ay doortan gudoomiye ku xigeenkii 1aad ee golaha ayaa gabi ahaan ba fadhigaasi baaqday kadib markii golaha ay hadhaysay guux iyo buuq curashadiisu ay ka dhalatay doorashadii hore ee gudoomiyaha golahaasi loo doortay baashe.

 

Balse xilibaankii la tartamayay ee xilibaan talyanle oo isagu markuu codkii doorashada ee gacan taaga ahaa dhamaaday hambalyeeyay oo sidaa fadhiga goluhu ku dhamaaday hadana goor cawaysinkii ah dib u soo mir-kacay sheegayna in isaga la doortay taasina ay dhalisay khilaafka ilaa haatan ka dhex-aloosan golahan baarlamaanka ee mudada labada xili doorasho ka badan meesha yuurura.

Hadaan u soo noqono saaka iyo jawiga oo ay hadhaysay cabsi xoogan oo laga qabay ina ay isku muruxsadaan xilibaanadan xilkasnimo darada ku caanka ah ayaa xukuumadu golaha keentay ciidamo tiro badan oo sugayay amaanka golahaasi isla markaana dib loo dhigay fadhigii maanta ee loo balansanaa in lagu doorto gudoomiye ku xigeenkii 1aad ee golahaasi.

Xalay cawaysinkii ayay ahayd mar ay shir jaraaid qabteen xildhibaano uu hor-kacayay Waabeeye kuwaas oo ahaa garabka xilibaan Talyanle isla markaana hadalka ay xilibaanadaasi xalay warbaahinta mariyeen oo ahaa mid hanjabaada oo dhiilo xanbaarsan ayaa bulshada reer somaliland walaac badan ay ka muujiyeen, kadib markuu xildhibaan Waabeeye yidhi waxa dhici doona wax dhagaha shacbiga reer somaliland ku cusub, kalmadaa hanjabaada ah oo ilaa iyo haatan aan la garan waxay daaran tahay balse habdhaceedu yahay in uu iclaaminayay dagaal aan loo baahnayn kuna haboonayn qof xisaanad qaranka ku leh oo masuuliyad umadeed haya.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews