marsanews.com
Jubaland Oo War-murtiyeed Ka Soo Saartay Wasiirkoodii Abniga Oo Aan La Garanayn Halka Uu Ku Danbeeyay Iyo Dareenada Shakiga Badan Dhaliyay Oo Ku Gadaaman
January 28, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) War-saxaafadeed ay soo saareen dawlada maamul goboleedka jubaland, ayay kaga hadleen wasiirkoodii abniga ee mudada u xidhnaa maamulka farmaajo, iyaga oo walaac ka muujiyay xaalada wasiirkaa.

Dowlada Jubbaland waxay ka walaacsan tahay xaalada murugsan ee Wasiirka Amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur.

Wasiirka waxaa si sharci-darro ah u afduubatey Xukuummada Federaalka Soomaaliya 31kii Agoosto 2019, isagoo aan meel sugan oo lagu xidhey marna la sheegin, inkastoo xukuumaddu ku andacootey inuu galay danbiyo aan la cayimin, waxaa ayaan darro ah inaan muddadaa dheer maxkamadna la hor geyn danbina lagu soo oogin.

Waxaa intaas dheer in muddadaas shanta bilood ka badan aan ehelkiisa iyo cid kastoo danaynaysay midna loo ogaalan, isla markaana loo diiday inay arkaan wasiirka qareenadii loo qabtay, iyadoo uu amray xafiiska xeer ilaalinta qaranku, taas oo xigtadiisa iyo dowladda Jubbaland labaduba ka welwelsanaayeen xaaladdiisa u dhaxaysa geeri iyo nolol.

Tiyoo ay jiraan arrimaha aan soo xusnay, ayey maanta Xukuummadda Federaalku Twitterka taliye ku xigeenka booliiska Soomaaliya S/guuto Zakiya Xuseen ku sheegtey inuu Xabsiga ka baxsadey wasiir Cabdirashiid Janan, taasoo shaki galisay badqabka Wasiirka.

Arrimahaas murugada leh ee aan soo taxney oo ka baxsan hab-dhaqan dawladeed iyo midka bini’aadamnimaba waxay sii murgineysaa xidhiidhka awalba cakirnaa ee xukuumada federaalka iyo dowladda Jubbaland.

Sidaas darteed waxaan madaxda Xukuumadda Federaalka ah si degdeg ah uga dalbanaynaa inay meel ku sheegaan Wasiirkii ay afduubteen raq iyo ruux mid uun.

Ugu dambayn waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba u sheegaynaa in xukuumadda federaalku qaadayso mas’uuliyadda wixii ku dhaca wasiirka.

………………………………DHAMAAD………………………………………


COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews