marsanews.com
Kenya Oo Eedaymo Kulul u Jeedisay Maamulka Somaliya
March 4, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Madaxtooyada Kenya ayaa soo saartay bayaan ay kaga hadleyso xadgudub ay sheegtay in ay Soomaaliya u geysatay dhulka Kenya iyo madaxbannaanideedaba.

War-saxaafadeedkan, oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee madaxtooyada Nairobi ayaa lagu sheegay in maanta oo Arbaco ah, 4, March,2020, uu dhacay kulan khaas ah oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaran ee Kenya, kaas oo uu shir guddoominayay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Shirkan ayaa sida ay madaxtooyadu sheegtay lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin.

Bayaan ay 5-tii bishii February soo saartay Soomaaliy iyo Eedeymo uu Kenya u jeediyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Abuukar Daahir Cusmaan, xilli uu ku sugnaa magaalada New York, 27-kii bishii February, 2020-ka; Iyo waliba weerarkii aan oggolaanshaha loo heysanin ee soomaaliya ku qaadday dhulka iyo madaxbannaanida Kenya, taariikhdu markii ay ahayd 2-dii bishan March, 2020-ka.

Golaha Amniga Qaranka wuxuu muujiyay walaac ku aaddan xad-gudubka ay ciidamada maamulka Soomaaliya 2-dii bishan March, 2020-ka u geysteen dhulka iyo madaxbannaanida Kenya.

Halkaas oo ciidamada ajnabiga ah ay ka sameeyeen falal cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada ka soo horjeeda gardarrada iyo ficillada kale ee cadaawadda ah, iyagoo dhibaateeyay hantina ka burburiyay muwaadiniin reer Kenya ah oo ku nool magaalada xadka ku taalla ee Mandheera”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan.

Kenya ayaa sheegtay in ayna wax jawaab ah ka bixinin ficilladaas ay ku eedeysay maamulka Soomaaliya, taas baddalkeedana “ay is xakameysay iyadoo eegeysa xiriirka soo jireenka ah ee dhaqanka iyo nabad ilaalinta ee u dhaxeeya labada dal”.

Dhinaca kale, Kenya waxay si kulul uga jawaabtay eedeymaha uga yimid dhinaca Soomaaliya, waxaana war saxaafadeedkan lagu yidhi:

Dhaleeceynta aan sal iyo raadka lahayn iyo eedeymaha ay soo jeedisay Soomaaliya, oo ah in Kenya ay faragalisay arrimaha gudaha ee Soomaaliya; waxay qeyb ka yihiin ficillada gurracan ee isdaba joogga ah, kuwaas oo Kenya loogu adeegsanayo in loogu marmarsiiyoodo caqabadaha Soomaaliya heysta ee ku yimid sababaha siyaasadeed. Kenya ma aqbali doonto in sidaas loo isticmaalo.

Dhab ahaantii waxaan ku dhiirrigalineynaa Soomaaliya inay joojiso ol’olaha noocan ah, ayna xooggeeda iyo tamarteedaba isugu geyso sidii ay hoggaan fiican u yeelan lahayd ugana shaqeyn lahayd horumarka dadkeeda”, ayaa lagu yiri Bayaankan oo qormadiisu ay dheereyd.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews