marsanews.com
Kenya Oo Hargeysa u Soo Dirtay Dublamaasiyiin Indho-indheeyn ku Sameeyay Qunsuliyada Ay S/land Ka Furanayaan
September 23, 2019 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Dawladda Kenya ayaa toddobaadkii hore waxay magaalada Hargeysa u soo dirtay wefti Kenyan ah oo diblomaasiyiin ah.

Ma jiro wax war ah oo ay Kenya iyo Somaliland ka soo saareen weftigan, laakiin wararku waxay xaqiijinayaan in ujeedada socdaalka diblomaasiyiintaasi ahaa sidii ay Kenya qunsuliyad uga furan lahayd magaalada Hargeysa, iyagoo indho-indheeyay meesha ku haboon ee ay ka dhigan karaan qunsuliyada.

Waxa dublamaasiyiintan magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Kooxdan dublomaasiyiinta ah oo ka koobnaa saddex xubnood ayaa Jimcihii ka dhoofay magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland ayaan wali ilaa hada wax war ah oo la xidhiidha waftigaa aan soo saarin, balse ilo-xogogaal ah ayaa sheegaya in xubnahaa dublaamisyiinta ah ay kulan wada qaateen madaxda wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Dawladda Kenya ayaa dhawr goor oo hore sheegtay inay qunsuliyad ka furanayso magaalada Hargeysa, laakiin waa markii u horaysay ee ay Hargeysa u soo dirto wefti u socda indho-indhaynta iyo diyaarinta qunsuliyada Kenya ee Hargeysa.

Dalal kala duwan ayaa qunsuliyado iyo wakiilo ku leh caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Djibouti, Turkiga iyo Ingiriiska.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews