Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Oo Ka Dhashay Isku-dhicii Caawa Ciidamada Puntland Ku Dhexmaray Xarunta Baarlamanka Ee Garoowe
November 7, 2019 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Iska hor imaad rasaas laysku adeegsaday oo caawa fiidkii ciidamo puntland ka wada tirsan ku dhexmartay xarunta baarlamaanka maamul goboleedka puntland ee garoowe ayaa wararku ay sheegayaan in khasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh uu ka dhashay.
Isku dhacan inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay Ganacsade Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo xarun ganacsi halkaas ku lahaa, iyo labo askari, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale.
Inkastoo rasaastii istaagtay, hadana waxaa wali agagaarka xarunta Baarlamaanka Puntland ku sugan ciidamadii ku dagaalamay, sidaasi waxa noo sheegay goob jooge halkaasi ku sugnaa
Arintan ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Dadweynaha ku nool caasimada Garowe oo ay dhawaaqa rasaastu baryahaa naadir ku ahayd ayaa caawa ku sasay rasaasta xoogan ee ka dhaceysay xarunta Baarlamaanka.
Wali ma jirto cid ka tirsan masuuliyiinta maamulka Puntland oo ka hadashay dagaalka khasaaraha nafeed keenay.