marsanews.com
Ma Gaydo Munaasibadaha Farxada Ee Qalin-jabinta Ardayda In Gabood Looga Dhigto Ujeedooyin Gaara
September 22, 2019 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Arday dadaashay oo ku sugan kuna gudajirta dabaal-dega farxada maalinta qalinjabintooda waxa mudan in lala farxo lagu bogaadiyo dhiirigalin iyo weedho ku munaasibada halka la joogo oo ah goob farxadeed oo ubax uu ka dilaacay, kaliya waxa mudan damaashadka oo ardayda lala wadaago, iyo waliba dalka oo loogu hoga-tusaaleeyo lexejecladiisa iyo dhismaha qaranka inay cilmiga ay barteen galiyaan.

Maaha, in ardayda munaasibada xafladooda laga dhigto fagaare siyaasadeed, oo looga faa’iidaysto microfonka in lagaga canbaareeyo maamulka iyo siyaasada dalka, maaha mid u qalanta boqolaal arday oo farxad iyo naruuro dhex mushaaxaya, in hadalo xanaf iyo curfi ka buuxo laga horjeediyo.

Ma mudna in ardayda mabsuudka ka ah qalinjabintooda lagaga hor tiraabo madaxwaynihii baa idiin iman waayay oo ardayda iyo hogaamiyahooda dalka ka arimiya naxli iyo xumaan laysugu beero, waxse milgaha iyo dhaqanka ay sheeganayaan ragan waawayn ee dhalinyarada ku beeraya kala faquuqa u haboonayd inay samaystaan fagaarayaal ay ka duraan madaxwaynaha iyo xukuumadiisa, hadiiba ay hayaan weeyi wax dhagaha umada deeqa.

Dabcan qaranka iyo dhalinyaradiisu waa kuwo si togan isla jaan-qaadaya oo waa halka ay wax u baranayaan ee ay wax ka hagaajin doonaan.

Sideedaba marka aad dhaliil jeedinayso waa inay ahaata mid cilmi ku dhisan si ay caqliga u deeqdo, laakiin maaha macnuhu wax baan dhaliilayaa, tiyoo aanad dhago u hayn dhagaysta, sababtoo ah dhaliisha ayaa u baahan markeeda hore inaay ahaato mid garaad fayoow oo si saxa wax u cabiri kara inay ka timaado oo waliba mudan inay dhaliishaasi jiritaankeeda aad umada la wadaagto si xaqiijinteeda aanu mugdi u galin waa markaad hayso wax kaa iibgalaya, waxse aan xusuustay, murti odhanaysay (NIN IINLOW DAA GUJADA) Waxaan uga go’leeyahay in shaqsiga dhaliil sheegayaa uu noqdo mid isagu dhaliilaha aduunka guudkiisa saaran ka madhan, oo qarankan iyo dadkiisaba ka dhex muunaysan, lehna garaadkii uu ku kasban lahaa dhagaha iyo quluubta bulshada.

Fagaarayaasha loolanka iyo hirdanka siyaasadu ka socdaan waa u mubaax qofkii dhaliil jeedinaya iyo kii wax taageerayaba balse munaasibadaha dhalinyarada ardayda ah ee qalinjabinaysa iyo goobaha cibaadada ee masaajida labadaba ma ah meelo ku haboon in wax aan wanaagsanayn oo curfi iyo nac walwaalaya in lagaga hadlo, kaliya waxii goobahaasi ku haboona ayaa mudan in laga jeediyo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews