marsanews.com
Ma Sirdoonka S/land Ayaa Fadhiid Noqday Mise NISSA Ayaa Ka Xeelad Badatay Oo Gudaha Dalka Saamayn Ku Yeelatay
May 1, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Xogaha aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Sirdoonka Soomaaliya NISSA oo gacan ka helaya dhigooda mid ka mida wadamada aynu dariska nahay ayaa dhaqdhaqaaqyo sirdoon gudaha Somaliland ka bilaabeen.

Haayada sirdoonka farmaajo ee NISA oo yoolkeeda cayiman uu yahay Iska hor keenida qabaa’ilada, Siyaasiinta, Odayaasha Dhaqanka, & Ururada Bulshada , ayaa la xaqiijiyay inay dhawaan dalka gudihiisa ka fulisay waxay ku sheegtay iska horkeenka madaxda dhaqanka iyo xukuumada somaliland, iyadoo ujeedada ay uga go’leedahayna uu ahaa sidii reer somaliland loo kala qaybin lahaa, waa xogaha laga helayo qaar ka mida xubnaha sirdoonka Nissa’e

Xubno sarsare oo ka mida haayada sirdoonka somaliya ayaa la soo warinayaa inay sheegen in hawlgalkii iska horkeenka salaadiinta iyo xukuumada somaliland uu noqday mid guulaystay waa sida ay xogta ku siiyeen maamulkooda, tiyoo ay intaa ku dareen in ay si fiican ugu shaqaysay lacagtii ay dawlada Qadar, ugu talagashay in hawlahaasi wax lagaga qabto, taasina ay noqotay mida sahashay dhaga-nugaylka aanu ka helnay qaar ka mida salaadiinta dhaqanka kuwooga ugu mucda waynle ayay xogta ku sii dareen.

Waa markii ugu horaysay ee sirdoonka somaliya ee NISSA iyo sirdoonka wadan aan magaciisa la xusin balse wadamada somaliland la dariska ahi ay somaliland gudaheeda ka fuliyaan hawlo sidan oo kale ah amaba soo hawystaan.

Taniyo xiligii farmaajo maamulka somaliya uu gacanta ku dhigay waxa kaliya ee uu ahmiyada koowaad ka dhigtay waxa ay noqotay somaliland iyo burburkeeda, taasi oo aanu marnaba ka libin helin, balse saacad kasta ku mashquulsan yahay sidii uu dabino ugu dhigi lahaa, kiyoo ku jira gacan dawlado shisheeye oo wadankuu ka taliyo ku dhex ilaaliya.

Iswaydiintu waxay tahay somaliland oo ah qaran dhamaystiran lehna cudud ciidan mid sirdoon iyo mid bulsho isku duubanba, waa maxay waxyaabaha u suurtagaliyay in sirdoonka somaliya ee NISSA, ay somaliland gudaheeda ku yeeshaan saamayn ay bulshadeeda ku qaybqaybiyaan oo ilaa madaxdii dhaqanka ay toos ula wadaagaan hawlgalada qarankan lagu wiiqayo? mase odhan karnaa sirdoonka somaliland ayaa war-mooga oo aan waxa dalka ka socda uba warhayn?.

Ma jiraan xogo dhab ah oo sheegaya in dhaqdhaqaaqyada la soo warinayo inay NISSA hargaysa ka hawlgashay ay inuun wax kala socdaan sirdoonka somaliland, balse kaliya waxa xogahani ay daaha ka faydeen in somaliland ay haatan tahay bartilmaameed ay la beegsanayaan bulshadeeda sidii ay tafaraaruq ugu ridi lahaayeen oo ay dhaqaale badan ku bixinayaan tiyoo dawladaha Qadar iyo Turkigu ay yihiin kuwo ka caawinaya sirdoonka somaliya arimahaasi ay somaliland is leeyihiin ku wiiqa

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews