marsanews.com
Ma Taqaan Gacan-yarayaasha Beesha Caalamka Ee Somaliya Uga Hawlgala Safaaradaha Iyo Dabinada Qarsoon Ee S/lanad Ay u Maleegaan
June 11, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Siyaasi Liibaan Cashuur oo ka mida siyaasiyiinta reer somaliland kuna xeel-dheer arimaha siyaasada dibada ayaa qormo si farshaxnimo ka muuqato kaga hadlay gacan yarayaasha beesha caalamka ee u ageega somliwayn islamarkaana dibin-daabyeeya qaranimada somaliland, waxaanu helnay nuqul ka mida qoraalkiisa oo uu shabakada wararka ee Marsanews, soo gfaadhsiiyay waxaanu u dhignaa qoraalkiisu sidan:

Maxaad ka ogtahay, mise kala socotaa awoodaha, propagandaha, iyo been abuurka shaqaalaha, xoghayayaasha, gacan yarayaasha, la taliyayaasha, iyo kaaliyayaasha Soomaaliyeed ee Safaaradaha beesha caalamka ee Nairobi ku yaala, iyo madaxda, saraakiisha iyo maamulayaasha sarsare ee Qaramada Midoobay ee Somalia u qaabilsan ka hoos shaqeeya ka fidiyaan Somaliland, isir nacaybka ay u hayaan reer Somaliland, been abuurka iyo talooyinka qaloocsan ay ka bixiyaan Qaranka Somaliland.

Shaqaale hoosaadkaa oo marwalba faro maroorsada awoodaha xafiisyada ay ka shaqeeyaan, faro galina ku haya go’aamada madaxda sarsare ay la shaqeeyaan iyo safaaradaha beesha caalamka ay ka shaqeeyaan, iyakoo gaadhay heer ay xataa ka taliyaan ama go’aamiyaan deeqaha beesha caalamku bixinayo sida loo kala bixinayo iyo cida la siinayo, iyo go’aamada siyaasiga ah, kuwa dhaqaale iyo kuwo bulshoba, iyakoo inta badan ku fushanaya dano gaar ah, ama qabiilaysan, ama goboleysan, taasoo run ahaantii lafjab iyo dhabarjab ku ah umada Somaliyeed guud ahaan.

Shaqaalahaa oo gabi ahaanba (Boqolkiiba 99.9%) kasoo jeedaan gobolada kala duwan ee Koonfurta ama Jamhuuriyada Federalka ee Somalia, iyakoo marwalba lidi ku ah, kuna hawlan oo dagaal xoogana kula jira Somaliland iyo dan kasta ama arin kasta oo dan u ah Jamhuuriyada Somaliland hadii ay noqoto dhinaca siyaasada, dhaqaalaha, bulshada, wax soo saarka, ganacsiga iyo dhinacyo badan oo kale.

Shaqaalahaas oo ay kuwa ugu awooda badani ka mid yihiin:

1 – Abdi Saeed – oo u shaqayn jirey Mr. Alexander Rondos, EU Special Representative for the Horn of Africa – Abdi Saeed oo imikana ah National Security Officer.

2 – Nuradin Derie – oo imika ah La Taliyaha Mr. Michael Keating, the Special Representative of the Secretary-General for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia.

3 – Jamal Mohamed Hassan – oo imika ah Wasiirka Qorsheynta Somalia – isagoo horena u ahaan jirey Political Officer working under Ambassador. Martin Dale, The Charge d’Affairs of the U.S. Mission to Somalia / Acting US Ambassador to Somalia.

Shaqaalahan iyo qaar kaloon soo bandhigi doono oo isku wada hayb, qabiil iyo masaalix mid ah, oo awoodohoodu gaadhayso heer caalami, oo marmarka qaar ka awood sareeya wasiirada arrimo dibadeed ee Somalia ama Raysal Wasaarayaal, ama xidhiidh toos ah la leh Madaxweyneyaasha Somalia soo maray, la taliya oo marmarna si dadban u amra ayaa awoodohoodu gaadhsiisantahay inay saamayn xoogan ku yeeshaan dhexdhexaadnimada iyo dedaalada siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, ganacsi, waxbarasho, amni oo ay beesha caalamku ku hawlantahay am aka fuliso Somalia iyo Somaliland.

Taasoo micnaheedu tahay in awoodooda aan la yaraysan karayn, oo waliba ay nimankaa iyo qaar kaloo badan oon soo bandhigi doonaa nagaga gacan sareeyaan oo ay nagaga dhowyihiin beesha caalamka.

Mushkilada jirtaana waxa weeyaan run ahaantii waanu ka gaabinay inaanu tooshka ku ifino raga iyo wixii la midka ahba, oo aanu u sheegno beesha caalamka iyo xafiisyada caalamka aanu la macaamilno Somaliland ahaan inaanay nimankaasi na matali karayn, oo aanay saamayn ku yeelan kareyn waxkastoo khuseeya Somaliland ama xataa Somalia ba ha ahaatee oo ay shaqadii loo igmaday ku koobnaadaan, inkastoonu ognahay inaanay ku koobnaanayn!!!

Waa inaanu beesha caalamka iyo xafiisyada ay u shaqeeyaan u sheegnaa inay meesha ka jirto CONFLICT OF INTEREST aad u weyn, oo aan la qiyaasi kareyn waayo nimankaa xafiisyada safaaradaha Nairobi fadhiyaa am aka shaqeeyaa, ama kuwa xafiisyada UN ta Somalia iyo Somaliland u qaabilsan ka shaqeeyaa si cadaalad ah ugama war bixiyaan Somaliland, dagaal ayay kula jiraan, waxay ka shaqeeyaan curyaaminta Somaliland, burush wasakh ahna waxay la daba taaganyihiin inay marmariyaan sumcada Somaliland, waxay geed dheer iyo mid gaabanba u koraan sidii ay Somaliland iyo umadeedaba u mijo xaabin lahaayeen.

Dawladeena sharafta leh, Wasaaradeena Arrimaha Dibeda, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Ganacsiga, Tacliinta, Shaqada iyo Shaqaalaha, Qorsheynta iyo wasaaradaha qaranka Somaliland oo dhan waa inay arintan ka hawl galaan, oo ay arintan jirta ee ilaa iyo imikadan taagan farta ku fiiqaan, oo ay toosh ku ifiyaan oo ay beesha caalamka u sheegaan in xafiisyadii ay Somaliland iyo dawladeedu la shaqeyn lahaayeen masas waaweyni galeen, masaskaas waaweyn oo ka shaqeynaya been abuurida badheedhka ah ee Somaliland laga sameeyo, dagaal hoosaad iyo mid cad oo ay masaalixda Somaliland kula jiraan, iyo ku hawlanaanta kala fogeynta Somaliland iyo beesha caalamka.

Arintaa dawladeenu waa inay si degdeg ah uga hawl gashaa, waliba wakhtigan oo ay Somalia dagaal badheedh ah oo qaawan oo military kusoo qaadey Somaliland, nimankaasina ay imikadaa sida shinida u shaqeynayaan iyakoo mijoxaabinta iyo propagandaha lidiga ku ah Somaliland kashaqeyna.

Liban Ahmed Cashuur.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews