marsanews.com
Maalin La Murmo Lama Joogo Ee Salaadiintu Yaanay Gelin Waxaan Shaqadooda Ahayn
April 11, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay labadii xubnood ee labada Xisbi Mucaarad u matalayey Komishanka ee Golahoodu codka ku diiday, kuwaasi oo la filayo inay mar kale gacanta u taagan oo ay ansixiyaan iyo sharcigu wuxuu ka qabo.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Salaadiinta Somaliland, waxaanu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay.

“Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumaddu marar badan oo hore ayey is khilaafeen, iyagoo isku qabtay arrimaha Doorashooyinka iyo Komishanka, iyadoo xitta la dhex galay ayay haddana is qabteen, laakiin imika heshiis bay gaadheen, is fahana wuu ka dhex dhacay, gacan taag qudhana waxba kuma meel marino, ee shuruudaha ayaanu u eegnaa, labada xubnood ee Goluhu codka ku diiday, haddii dib loogu soo celiyo Golaha wax mushkilad ah malaha, oo sharciga ayaa loo eegayaa, labada xubnood ee Goluhu codka ku diidayna, waxaa ka mid ah xubin laba jeer oo hore cod lagu meel mariyey..”

Xildhibaanku wuxuu farriin u diray Madax-dhaqameedka Dalka “Maanta lama taagna maalin la murmo iyo maalin laga hadlo wada-hadal iyo in Soomaaliya lala hadlo, ee waa maalin uu Adduunkii baqo ku jiro oo Waddan kastaaba xadkiisii xidhay, markaas maalin aynu Dawlad iyo Salaadiin u garnaqno ma joogno ee Salaadiintu hadalladooda ha u meel dayaan, oo waxaan shaqadooda ahayn yaanay gelin..” ayuu yidhi.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews