Madaxwayne Biixi Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Wadanka Kenya Iyo Muuqalo Sawiro Ah
December 13, 2020 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Madaxwaynaha jamuuriyada somaliland Md, Muuse biixi cabdi iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta hawlo shaqo u tagay wadanka kenya.
Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa si aad u saraysa loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Homokenyata.
Halkaas oo ay kaga hor yimaadeen madax sarsare oo ka tirsan dawlada wadanka kenya.
waftiga uu hogaaminayo madaxwayne biixi ayaa kulano kala duwan la yeelan doona madaxwaynaha kenya iyo waliba ganacsatada wadankaasi.
Madaxwaynaha iyo dhigiisa kenya ayaa, ka wada hadli doonan arimo la xidhaadha xidhaahdka labada dal iyo waliba sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka dublamaasiyadeed ee kenya iyo somaliland.
Taniyo galabta intii uu waftiga madaxwayne biixi hogaaminayaa ay ku sugnaayeen magaalada nayrobi waxa ay kulano soo dhawayna wada yeesheen.
Xoghayaha Golaha Wasiiradda Beeraha Mudane. Peter Munya iyo Madaxa Xoghayaha Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane. Ababu Namwamba.