marsanews.com
Madaxwayne Biixi Oo Caawa Karmeer Ku Soo Maray Cusbitalka Guud Ee Hargaysa
December 25, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa Kormeer kedis ah ku tegay Cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxaana uu Madaxweynuhu kormeerkiisan ku booqday Bukaanada jiifa Cusbitaalka oo uu ku booqday waadhadhka, waxaana kormeerkan Madaxweynaha Biixi ku wehelinayay, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Cabdikariim Axmed Xinif, Ergeyga gaarka ah ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Maxamuud Yuusuf Muuse.

Madaxweynaha ayaa qof qof isu dul-taagay bukaanada isagoo halkaasi ku xaal waraystay islamarkaana u sheegay in ujeedadiisu tahay inuu ogaado sida loogu shaqaynaayo bukaan jiifka, waxaana uu halkaasi ugu duceeyey dhammaan dadka xanuunsanaya oo uu Ilaahay uga baryey madaxweynuhu inuu xannuunka ka dul qaado caafimaad taam ahna ugu beddelo.

Dhanka kale waxa uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tegay qeybta ay wax ku bartaan ardayda Jaamacada Hargeysa ee barata caafimaadka, waxaana uu halkaasi kula kulmay macalimiin ajaanib ah kuwaasi oo kasoo jeeda waddanka Turkiga, islamarkaana tababar dhanka qaliinka ah siiya ardayda Jaamacada Hargeysa ka barata caafimaadka.

Madaxweynaha ayaa Dhakhaatiirtaasi uga mahadceliyey dedaalkooda iyo tacabka ay ardayda gelinayaan, sidoo kalena waxa uu ardayda ku dar-daaray inay wax badan ka faa’idaystaan khabiirada caafimaad ee wax u dhigaya, wakhtigoodana gelinaya dalka.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews