marsanews.com
Madaxwayne Biixi Oo Madaxdii Hore Ee Qaranka Soo Maamushay u Xil-saaray Xal u Helida Colaada Ceel-afwayn
June 10, 2018 - Written by editor marsan

Hargaysa:(Marsanews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan la filayaa inuu ku dhawaaqo Gudi ka kooban siyaasiyiin miisaan culus ku leh Somaliland iyo Culimo-udiin kuwaasi oo uu u xushay xalinta Dagaalka dhiiggu ku daatay ee ka taagan Deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ee u dhexeeya labada beelood ee Walaalaha ah, Waxa ay gudidaaasi sida la sheegay hawlgalkooda bilaabayaan Ciidal Fidriga kadib oo ay inaga xigaan Muddo taban maalmood ka yari.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah Gudidaasi ayaa warbaahinta u sheegay in gudidaasi ay iskugu jiraan Masuuliyiin Xil Madaxweyne ka soo qabtay Somaliland iyo kuwo Xil Madaxweyne ku xigeen ka soo qabtay dalka.

Waxa uu carabka ku adkeeyay oo shaaaca ka qaaday inuu gudidaasi ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale kaahin, Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland Muj Xasan Ciise Jaamac,iyo sidoo kale Cabdiraxmaan Awcali Faarax oo isna hore Madaxweyne ku xigeen Somaliland uga soo noqday,waxa kale oo uu sheegay oo Gudidaasi ku jira Mujaahid Ibraahim Dhegaweyne,iyo Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo ee dhawaan Somaliland nabadda la qaatay Cali Khaliif Galaydh,waxa sidoo kale uu sheegay in dhinaca Culimada uu kaga jiro Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo ka mid ah Culimada Waa weyn ee Reer Somiland.

Eng Faysal Cali Waraabe oo Gudidaasi Warbaahinta u faah faahinaya ayaa waxa uu yidhi, Waxa uu Madaxweynuhu Qorsheeyay in Arinta Ceel Afweyn Insha Allah, Marka Lixda Maamulmood ee Shuwaal la soomo, iyo Ciida kadib in Arintaasi Ceel Afweyne si weyn loo gali doono.

Waxaana gali doona Dad Reer Somaliland ah oo isku dhafan oo loo dhan yahay islamarkaana ay ku jiraan Madaxweyneyaashii iyo Ku xigeenadii hore, Daahir Riyaale Waa joogaa, Xasan Ciiise Jaamaca waa joogaa, Cabdiraxmaan Awcali waa joogaa, Cali Khaliif waa joogaa, Mujaahid dhegga weyne iyo aniga insha Allaah, iyo Culimo-udiin, gaar ahaan Dadkii Fiqiga yaqaanay, ee yaqaanay sida dhibaatooyinka caynkan ah loo xaliyo, sida Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar, waxaa lagu galayaa dad miisaanleh oo reer Somaliland ah, oo aan cidna u eexaynayn, Waxaanu marka hore baadhi doonaa Maxaa keenaya Dagaalka.

Shaqaaqada Ceel Afweyn oo u dhexaysa labada Beelood oo Walaalo ah ood-wadaagna ah oo deegaankaasi wada dega ayaa soo taxnayd tan iyo Markii uu dalka ka ariminayay Madaxweyne Siilaanyo waxaana dhawr jeer dhex maray dagaal dhiig ku daatay.

Waxay soo laba kaclaysay bilawgii sanadkan, kadib doorashadii Madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay, Waan waan Nabadeed  iyo ergo badan oo la isku dayay in labadaasi beelood lagu ladqabeeyo waxa ay noqdeen hal bacaad lagu lisay, Waxaana mar labaad iyo mar saddexaad dhex maray dagaal nafo badan oo labada dhinacba ahi ku dhinteen. Waxa ay hadda u muuqataa inay soo af-jarmi doonto haddii ay galaan arinta Gudidaasi miisaanka leh ee uu Faysal cali Waraabe sheegay inuu Madaxweynuhu u xushay.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews