marsanews.com
Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Reer Jabuuti Ku Hambalyeeyey 41-guurada kasoo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen
June 27, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka dalka Jahuuriyadda Jabuuti ku hambalyeeyey sanad-guurada 41-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad dhinacyo badan habeenkii xalay ka jeediyey munaasibad loogu dabbaal-degayo sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay xorriyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sanad-guurada xorriyadooda, waxana uu u rajeeyey horumar iyo barwaaqo, waxana isaga oo hambalyadaas diraya uu yidhi,“Waxa aan halkan hambalyo uga dirayaa hambalyo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti gobonnimadooda oo ku beegan 27-ka June Berri , innaga oo laba waddan oo jaar ah oo aad isugu dhaw ayaa haddana labadeennii maalmood ee xorriyadduna isku xigaan, iyagana hambalyaan u dirayaa in Ilaahay sanadkaa sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo.

Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xidhiidh qoto dheer oo walaaltinimo iyo derisnimo-wanaag salka ku haya la leh dalka Jabuuti, waxana labada shacab ka dhexeeya dareen walaalnimo oo aan duugoobaynin.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews