marsanews.com
Madaxweyne Muuse Biixi iyo Dawladda Kenya oo ka Hadlay Cilaaqaadka S/land iyo Kenya
December 14, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay kulankii uu maanta la yeeshay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo uu tilmaamay inay ka wada hadleen masaalixda ay wadaagaan labada dal.

Madaxweynaha Somaliland Md, Muuse Biixi Cabdi wuxuu sidaas ku sheegay farriin kooban oo uu ku baahiyey galabta Bogiisa Twitterka.

Waxaanu sheegay in Madaxweynaha Kenya ay ka wada hadleen qodobo ku wajahan danaha ay wadaagaan labada dhinac.

Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen Weftigiisa socdaalka shaqo ku jooga Nairobi.

Geesta kalena, Wasaarradda Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa sheegtay  Booqashada Madaxweynaha Somaliland ku joogo dalkeeda in ay tahay mid la mid ah tii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku tagay Kenya sannadkii 2006dii.

Wasaaradda Khaarajiga ee Kenya waxa ay intaas ku dartay in  Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay bahwadaag muhiim ah oo ku taalla gobolka Geeska Afrika oo ay ka wada shaqeeyaan la-dagaalanka Argagixisada.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews