marsanews.com
Magacaabista Labada Xunood Ee Gudoomiye Ciro Xilalka u Dhiibay Waxay Daaha Ka Fayday Dareeno Taban Iyo Tuhuno Bulshadu Ay Ka Qabtay Xisbiga Waddani
November 23, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani Md, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, ayaa 21/11/2019-ka soo saaray wareegto magacaabis uu xilal sarsare oo xisbiga ah ugu magacaabay laba xubnood oo bulshada reer somaliland amakaag ka qaaday islamarkaana dibada keentay dareeno taban iyo tuhuno ku gadaana xisbiga waddani kadib markay arkeen labada shaqsi ee uu gudoomiyuhu xilalka xisbiga u magacaabay oo iyagu ah kuwo bulshadu ka haysato sawiro kala duwan oo ka turjumaya wax ka baxsan nidaamka dalka iyo ka axsaabta siyaasadaba.

Gudoomiye ciro waxa uu u magacaabay xidhiidhiyaha qaarada yurub iyo ameerika Cismaan Cumar Dool, oo baraha bulshada caan ka dhex ah gaar ahaan facebook, islamarkaan ku suntan inuu inta badan ka hadlo arimo ku lidi ah qaranimada iyo madax banaanida somaliland, tiyoo waliba ay u dheer tahay, qabyaalada iyo adeegsigeeda oo uu u isticmaalo kala qaybinta iyo qoqobka bulshada reer somaliland ee walaalahay ah.

Dabcan waxa aan idinla wadaagi doona mid ka mida muuqaalada cismaan curam dool uu kaga hadlayo qabyaalada iyo dagaalka uu kula jiro qaranimada somaliland, taasi oo sida cadceeda u cad inuu yahay shaqsi wakhtigiisa inta ugu badan galiya taageerada qadiyada midnimo somaliwayn

Hadaba aan idiin soo bandhigo mid ka mida muuqalad cismaan cumar dool oo vedio ah ee dhugasho wacan

Maaha oo kaliya muuqalada cismaan cumar dool kan aan hortiina soo dhigay balse kani waa mid aan dareen ahaan isleeyahay akhristayaashu qofka uu yahay shaqsiga gudoomiye ciro u magaacabay xilka miisaanka leh ee xisbiga waddani ka uu yahay in aynu wada dhawrno islamarkaana halkaa ka dheehano fahanka tuhunadii ku gadaana waddani oo haatan daahir-yaashamis ah.

Sidoo kale waxa uu gudoomiye ciro u magacaabay xilka gudoomiyaha gobolka sanaag ee xisbiga waddani islamarkaana ah xidhiidhiyahay xisbiga ee gobolada bariga, Boqor Faysal Cismaan Faarax oo isagu ka mid ahaa hogaamiye dhaqameedka beesha garxajis, boqor faysal isaga waxa tusaale inoogu filan muuqalka aan hortiina keeni doono islamarkaana wadaagi doono oo ah mid isaga oo ku sugan xiligaa gudashada waajibaadka xajka uu halkaasi ka sheegay in maleeshiyada caare ay tahay hanti garxajis oo talada ay ku baxeene tahay mid garxajis hubka ay haystaana yahay mid garxajis, kolay muuqalkan oo aan halkan idiin ku soo gudbin doona isaga ayaa isu kiin fasiri doona ee dhugasho wacan

Gababadii waxa xisbiga mucaaridka ah ee waddani barmadaw ku ah shaqsiyaadkan oo magacaabistoodu ay marag buuxa ka noqonayso dareeno muuqaalo aan qurux badanayn leh oo horeba bulshadu uga qabtay, taasi oo noqonaysa mid sumcada xisbiga dhaawac wayn gaadhsiinaysa oo u yeelaysa tilmaan ka baxsan astaantii uu lahaa.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews