marsanews.com
Magacaabistii Farmaajo Ee Mahdi Khadar Ma Sharcibaa Mise Waa Sharci Daro
July 26, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Sida ku cad dastuurka ku meel gaadhka ah ee dalka waxaa sharci darro noqoneysa in madaxweyne Farmaajo uu raysal-wasaare ku xigeenkii xukuumadda uu u magacaabo raysal-wasaare ku meelgaadh ah.

Qodobka 103-aad ee dastuurka dalka waxa uu qeexayaa xil-gaadhsiinta xukuumadda inta madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo wasiirka koowaad ee xukuumadda bedeleysa.

Qodobkaas waxuu dhigayaa in Raysal-wasaaraha iyo golihiisa wasiirradu ay xilka sii heynayaan, iyaga oo shaqada dowladda sii gudanaya illaa xukuumad la soo dhiso ay kala wareegto.

Qodobka 103-aad ee dastuurka ayaa u dhigan sidan, “Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaadhsiin ah.

Kadib markii guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhawaaqay in xildhibaanadu ay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda Raysal-wasaare Kheyre, Qadar kooban dabadeed Farmaajo waxa uu sameeyey magacaabis cusub.

Madaxweynaha oo wareegtadiisa ku balan-qaaday in uu deg-deg u soo magacaabayo raysal-wasaare cusub ayaa ku xigeenkii khayre oo ka mida xukuumada la riday, Mahdi Maxamed Guuleed u magacaabay sii-hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha dalka, taas oo sida uu dhigayo dastuurku sharci darro ah.

Dastuurku waxa uu dhigayaa in Ra’iisul wasaare Kheyre uu shaqada u sii wado si caadi ah, isaga iyo golihiisa wasiirrada, isla markaana uu xilka ku wareejiyo Ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabi doono Madaxweynuhu, balse ma dhicin.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews