marsanews.com
Maraykanka Oo La Sheegay Inuu Kala Baxayo Shaqaalaha Iyo Dublamasiyiinta Ka Jooga Muqdisho (Xarunta Xalane) + Dagaalo Sokeeye Oo Laga Cabsi Qabo Inay Ka Qarxaan Halkaasi
May 19, 2020 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Tiyoo hore dawlada markayku ay uga mabnuucday dadka haysta dhalashada wadankeeda inay u safraan somaaliya, ayaa markale amar ay dawlada maraykanku ku bixisay in Somaaliya ay ka baxaan muwaadiniinta Maraykanka ah ama u shaqeeynayay dalka Maraykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqadisho.

Waxaa sidoo kale horay dadkeeda ugala baxay Soomaaliya Dowladaha Turkiga, Ingiriiska iyo dhamaan wadamada degan waqooyiga Yurub ee la isku yiraahdo Scandanevian. 

Dhanka kale dowladaha Maraykanka iyo Canada ayaa iyaguna diyaarad ku soo qaaday intii u dhalatay dalkooda ee ku sugnaa Muqadishu, tiyoo ay geeyeen dalalka ay dhalashada ka haystaan ee Maraykanka iyo Canada.

Waxa sidoo kale ay wararku sheegayaan in ayaamaha soo socda gabi ahaanba ay ka bixi doonan Soomaaliya dublamaasiyiinta dalalka, Kenya, Talyaaniga, Masar, france, Midowga Africa.

Waxa soo ifbaxaya in sirdoonka dalalka caalamka  ay u muuqatay in Soomaaliya dagaal sookeeye qarka u saaran yahay, taas oo khatar ku ah muwaadiniintooda ku sugan dalka halkaasi, islamarkaana ay tahay sababta ay guud ahaan ugala baxayaan dadkooda.

Maaha kaliya cabsida jirtaa dagaal beeleedo ka dhaca muqdisho balse waxa iyana ay wararku sheegayaan, in magaalada Muqadishu la keeno ciidamo wadamo shisheeye ka socda, taas la saadaalin karo inay dabka ku sii qabato  dagaal beeleedyo iyo mid lagula dagaalayo cidaamadaasi dalka la keenayo laftooda. 

Dadka ku dhaqan Muqadisho ayaa horay dagaal wada jira ugu qaaday ciidankii Itoobiya ee la doonayay in dalka lagu qabsado, hadana waxa muuqata in dalka la keenayo ciidamo ka socda sadax wadan oo dhamaantood ka socda wadamo shacabka Soomaaliyeed cuqdad ka qabaan amaba uu horay dagaal u dhex-maray, waxa sidaa yidhi mid ka mida dadka ku dhaqan malaada muqdisho gaar ahaan kuwa sida dhaw ula socda xaaladaha cakiran ee halkaa ka jirta wakhti xaadirkan.

Waa markii ugu horeeysay ee dublamasiyiinta caalamku ay gabi ahaanba isaga baxaan somaliya iyaga iyo shaqaalahooduba, gaar ahaan  magalaada Muqadisho.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews