marsanews.com
Maraykanka Oo Sheegay In Farmaajo Uu Dano-gaara Oo Siyaasadeed u Adeegsado Ciidamada Taana Ay Walaac Ka Qabaan
May 24, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(marsanews) Dowladda Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay khilaaf weli socda ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, kaasi oo ay ku qeexday mid aan la aqbali karin.

Ku-simaha ku xigeenka wakiilka Mareykanka ee QM, Cherith Norman Chalet ayaa kulankii Golaha Ammaanka ee arrimaha Soomaaliya ka sheegtay inay arrin walaac leh tahay in madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada aanay muddo kulmin, si ay uga wada hadlaan xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka.

Waxay ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu deg deg u qabto kulan uu la yeelanayo madax goboleedyada.

Waxaan ku boorineynaa madaxweyne Farmaajo inuu ku baaqo kulankii Golaha Amniga Qaranka, sida uu qabo dastuurka, sida ugu dhaqsiyaha badan si looga wada-hadlo qorsheynta doorashooyinka, wada-shaqeynta amniga, iyo ahmiyadaha qaranka ee deg degga ah,” waxaa sidaas tidhi danjire Chalet.

Waxay sidoo kale walaac ka muujisay in ciidamada xoogga dalka loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah.

Waxaan sidoo kale ka walaacsannahay in kheyraadkii amni ee loo baahnaa in lagula dagaalamo Al-Shabaab si qaldan loogu adeegsanayo xifaaltan siyaasadeed oo ka socda gobollo gaar ah, ayey tidhi danjire Chalet.

Danjiraha ayaa dhanka kale sheegtay in dowladda federaalka ay ku guul-darreysaneyso fulinta jadwalkii doorashooyinka qaranka.

Waxaan soo dhawayneynaa dadaallada ay Soomaaliya weli waddo ee ay ku qabaneyso doorashooyinka la qorsheeyey dhammaadka sanadkan, hase yeeshee waxaan ka walaacsanahay inay ka dib dhaceyso jadwalka,” ayey ku so gabagabaysay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews