marsanews.com
Marka Aad Garato S/land Halkii Ay Ka Soo Dhaqaaqday Ayaad Helaysaa Jawaabta Waxa u Qabsoomay Iyo Halka Ay Haatan Marayso
May 23, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Halgan dheer oo qadhaadh kadib somaliland waxay dib madaxbanaanideeda ula soo noqotay 1991-kii.

Guud ahaan magaalooyinka dalka ayaa ahaa kuwo dhulka lala simay oo burbur iyo baaba laga yeelay, may jirin wax dhaqaale ah iyo dhisme ama hoy ay degaan shacbiwaynihii ku soo guryo noqday, adeegyada bulsho na daaba hadalkeed.

Somaliland waxay soo martay duruufo kala duwan oo mid kastaaba leeyahay waayihiisa, shacbiwaynaha reer somaliland oo isku tashaday islamarkaana bilaabay dibu-dhiskii dalka ayaa qofkastaaba dhankiisa uu ka bilaabay sidii uu u samayn lahaa nolol uu ku tanaado, taas oo ay hormood ugu ahaayeen hadba madaxdii dalka soo hogaaminaysay iyo waliba madaxdii dhaqanka ee xiligaa.

Dabcan waxa jirtay xiliyada qaar ay ardayda wax ka barata dugsiyada dalka ay ku fadhiisan jireen daasadaha caanaha oo iyagu kursi u ahaa islamarkaana ay macalimiinta ama barayaashu ubadkoodaa soo koraya wakhtigooda u hurayeen iyagoo dhisayay aqoonta ardaydaa da’yarta ah. tiyoo markasta ay dhinac socotay dhismaha dalkuna, oo ay ahaayeen laba isla jaanqaaday oo dadka iyo dalkaba la dhisayay.

Somaliland waxa laga soo qaaday oo ay ka soo dhaqaaqday dhulka waxana ku soo tabcay waa dadkeeda oo madax iyo shacaba ay ka midaysnaayeen hiigsiga hayaanka geediga halka ay u wadaan oo ahayd halkaa maanta aynu joogno ee quruxda iyo qiimahaba leh.

Waxa mudan iswaydiin kuwa maanta meelaha ka shubaya 29-sano kadib maxaa u qabsoomay somaliland ma waxay ahaayeen kuwo aan taariikhda iyo waayihii adkaa ee somaliland aan la socon mise waa kuwo dano siyaasadeed ka leh oo jecel in somaliland ay dib u noqoto? inkastoo carooga ay ka dhex hadlayaan ba ay yihiin yaryar aan garanayn oo la kawsaday somaliland oo dhisantay uun.

Halku dhiga ay isticmaalan kuwa danaha iyo ujeedooyinka gaarka ah lihi waa erayga somaliland la wada leeyahay, iyaga oo aan sheegi karin somaliland la kala leeyahay horayso iyo danbaysana aynaan arag balse bulshada reer somaliland ay u yaqaanan kuwo erayada noocaas ah ku tiraaba inay yihiin kuwo fahan qaldan ka haysta siyaasada islamarkaana ku saaqiday kasbashada quluubta bulshada, wallow aragtiyaha dadka siyaasada falanqeeyaana ay ku sheegan inay yihiin kuwo u adeega cadawga qaranka islamarkaana aanay garanayn micnaha iyo ujeedada ka danbaysa ee weedhaasi ay gudbinayso.

Waxaad arkaysaa midhadh ka mida warfidiyeenada dalka oo waxay ku sheegaan warbixino kaga hadlaya weedhaas odhanaysa somaliland la wada leeyahay iyagoo isticmaalka ama ku dhawaaqista weedha mooyaane aan umada u soo bandhigi karin waxan ay sheegayaan.

Gabgabadii somaliland waxa ay haatan maraysaa waa meel qofkasta oo qarankiisa lexejeclo ka haysaa uu ku faanayo kuna mahadinayo allaha wayn oo uu ugu xamdi naqayo, islamarkaana ay cadawga somaliland iyo kuwa u adeegaba ay ka naxayaan wanaaga iyo horumarka, iyo waliba wad-jirka bulshada hiigsanaysa inay gaadhaan yoolka cayiman ee ay leeyihiin.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews