marsanews.com
Mashruuca Buur-madaw Ee Weerarka Qadiyada S/land Intee In Leeg Buu Sii Socon Karaa
April 6, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Boqor Buur-madaw oo ka mida madaxda dhaqanka somaliland caana ku ah farogalinta arimaha siyaasada ee aanu ahayn mid ku eeg madax-dhaqameedka uu sheegto, islamarkaana aan laba gaban hadba halka uu isleeyahay way ka dhaw dahay muraadadiisa gaarka ah, ayaa isagu haatan wada guluf uu ku beegsanayo mijo-xaabinta jiritaanka qaranimada somaliland, taasi oo noqon doonta midkii ugu danbeeyay ee buur-madaw ka soo xidhaysa albaabadii mashaariicda ee uu hore u groocan jiray.

Waxa aynu la wada soconaa in buur-madaw dhawaan markii uu warbaahinta ka hadlay uu si toosa oo aan gabasho lahayn u sheegay in ay madaxdhaqameedku wada hadalo la galayaan somaliya isagoo ku afgobaadsanayay inuu somaliland raacdo ugu jiro madaxbanaanideeda, balse ay ahayd mid ilmaha sabiga ahi fahmayo, oo tiraabta hadalkiisa ayaabay ka dhex muuqatay, sida uu u amaanayay maamulka farmaajo ee uu lahaa reer somaliland waxay isku qanciyaan farmaajo dabaabaad baa lagu ilaaliyaa oo muqdisho ma dhex socon karo, somaliland se been bay isu sheegaysa oo farmaajo wakaa meelwalba qabsaday oo ilaa jubooyinkii ciidamadiisu haystaan xitaa diyaarado ayaa caalamku ku caawinayaa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa iyana xusideeda leh oo aan marnaba la hilmaamikarin sida sahlan ee uu uga hadliyay salaadiinta dhawrka ahaa, islamarkaana ay salaadiintaasi ku hadleen ama taageero balaadhan u muujiyeen buur-madaw, oo isagu mashruuc somaliland la dirir ah ka soo qaatay maamulka farmaajo oo ay caawinayso dawlada turkiga, taasi oo ah mid u sahashay inuu kasbado quluubta salaadiintaasi aynu soo xusnay gaar ahaan labada suldaan ee waqooyiga iyo koonfurta hargaysa.

Sidoo kale waxa uu buur-madaw maanta ka hadliyay odayaal dhawr ah oo sheeganayay cuqaal iyo aqoon-yahan ka soo jeeda galbeedka ceerigaabo, kuwaas oo iyaguna si qaawan daboolka uga sii qaaday hirgalinta mashruuca dhalanteedka ku salaysan ee buur-madaw gadhwadeenka ka yahay, waxaanay odayadaasi sheegeen in buurmadaw ay garab taagan yihiin oo gar iyo gardaro ba ay ku raacsan yihiin.

Waxa hadaba iswaydiintu tahay intee in leeg ayuu sii socon karaa mashruuca buurmadaw uu ku soo qaatay somaliland in bulshadeeda lagu majara-habaabiyo oo mugdi lagu galiyo masayrkooda?

Dabcan waa suaal fudud oo waxa aanu meeshaba soo dhigan buurmadaw in shacbiwaynaha reer somaliland ay yihiin kuwo bislaaday oo aan lagu dagikarin arimaha u huursan ee uu isleeyahay waad ku guulaysan karaysaa kala qaybinta bulshada marka ay u yartahay, waxaanan odhan karnaa waa cabdoo qalad xisaab oo wakhtixaadirkaa aynu joogno buurmadaw iyo darkii la midka ahaa ee uu dhaameelka u lulayba waxay ku gabanayaan far, umadii ayaayna helayn meel ay ka galaanba oo bulshada reer somaliland ayaa ah kuwo dhimasho iyo baaba ka xiga waxan uu dhayalka u haysto mashaariicaystahan, hore ugu mamay dhiigii iyo dhibaatadii hore uu u kala dhexdhigay bulshada reer ceel-afwayn, oo markii ay arintaasi ka soo afjarantayna u diga rogtay hawlahan haatan uu ku foogan yahay.

Hadaba tiyoo si toosa loo wada ogyahay mashruuca buurmadaw uu ku soo qaatay somaliland islamarkaana uu ka qaybgaliyay salaadiin isku sheega hunguriga u ehelka ah, ayaa calaamatul suaal dul taala sababta xukuumadu ay umada ugu eegayso ragan sheeganaya madaxda dhaqanka ee sida qaawan u soo weeraray masayrkii shacbiga reer somaliland.

Somaliland kumay iman dhayal iyo wax la mida toona ee waxa keenay halgan hubaysan oo ahaa halgan shacab oo lagaga soo horjeestay cadawgii daaquudkii, dilaagii, gacan ku dhiiglihii afwayne bare iyo maamulkiisi, oo ay ka dhiidhiyeen halgamayaashii SNM oo iyagu nafahooga u sadqeeyay sidii ay heeryada cadawga uga dulqaadi lahaayeen shacbigooda, rabina ku garab galay sidaana lagaga xoreeyay dalka cadawgii siyaad bare, 1991-kii kadibna shirar aayo-katashi oo ay yeesheen beelaha dega somaliland ay si wada jira isula qaateen dib ula soo noqoshadii xoriyadii iyo madaxbanaanidii somaliland ee foof-daran habawgu ku dhacay 1960-kii

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews