marsanews.com
Mas’uul Xukuumadda Ka Tirsan Oo Sheegay In Wasiirkii Hore Ee Daakhiligu Uu Weerar Gaadmo Ah Kusoo Qaaday
September 15, 2017 - Written by editor marsan

Aniga Oo Fadhiya Qaybta Gudaha Ee Huteelka Ayaan Mar Qudha Ku War Helay Ex-Wasiir Duur Oo I Dul Taagan, oo i leh  Banaanka Innoo Soo Saar Haddii Aad Badbaadid

Maareeye ku xigeenka madbacadda qaranka ee Somaliland  Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan Ayaa sheegay in xubno  ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu ka  mid yahay wasiirkii hore ee wasaaradda daakhiliga Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ay dagaal gacan ka hadal ah kusoo qaadeen isaga oo ku sugan mid kamid ah hotellada magaallada Hargeysa gaar ahaanna bariga caasimadda. Maareeye ku xigeenka madbacadda oo arrintan warbaahinta uga warramay ayaa sheegay in isaga oo ku sugan Hotelka Maamuus ee bariga magaallada Hargeysa uu wasiiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo xubno kale ay gacan ka hadal kula  kaceen, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhimaareeye ku xigeenku: “ Waxa aan galinkii danbe ee arbacaddii balan shakhsi ah ku lahaa huteelka maamuus, haddaba aniga oo salaadii casar ka dib fadhiya qaybta gudaha ee huteelka maamuus ayaan mar qudha  ku war helay  EX wasiir Duur oo I dultaagan una muuqday nin u soo diyaar garoobay in uu ila dagaalamo waxaana uu si ula kac iyo badheedh ah iigu aflagaadeeyay goobtii aan fadhiyay isaga oo weedhihii uu ku tiraabayay ay ka mid ahaayeen “BANAANKA INOO SOO SAAR IYO HADDII AAD BADBAADID” intaasi kadib waxa aan ugu jawaabay si degan aniga oo xeerinaya masuuliyada qaran ee I saaran.”

“Kadib waxa aan arrintaas ku wargaliyey maamulka hoteelka “ iyada oo arrintu halkaas marayso oo uu isagiina meel kale oo hudheelka ka mid ah fadhiistay ayaa salaadii maqrib naloo addimay kadib waxaan ku tukanay musaajidka hoteelka ka danbeeya aniga oo markii salaada aan ka soo baxay ku soo noqday hoteelkii oo aan balamo ku lahaa, dabeeto markaan hor marayo hoolka xafladaha lagu qabto ayaan ku war helay isaga oo leh waar maxaad naga soo eegaysaa taas oo aan u fahmay markan danbe fariin dagaal ka dib hore ayaan isaga dhaafay aniga oo layaaban hore ayaanan isaga sii socday, waxaana mar qudhaata xaga danbe igaga yimid weerar waddareed gaadmo ah oo uu hor kacayo ex wasiir duur, ka dib waxa la ay gayst nabarro iyaga oo markiiba si degdeg ah gaadhi ugu baxsaday waxaana dadkii huteelka joogay ii caddeeyeen in ragga nabarrada I gaadhsiiyay uu ku jirey wiil uu dhalay siyaasi  Duur,”ayuu yidhi Maareeye Ku-xigeenku. Waxa kaloo uu intaas ku daray;  “Runtii waxa dhici lahaa dhibaato badan waayo dhalin yaro ka soo jeeda deegaankayga ayaa cid u sheegtayba goobta soo gaadhay iyaga oo khasaare badan gaysan lahaa ayaan ku guntaday waxaanan ku idhi oo aan ku qanciyay anigu masuul qaran maadaama oon ahay wixii I gaadhay cadaaladda iyo sharciga wadanka u yaala ayaan u daba fadhiisanayaa oo xaqayga ii goyn doona ee ila naawila oo fawdo yaynaan marnaba ku falcelinin.  Ugu danbayntii maareeye ku xigeenka madbacadda qaranku waxa uu noo cadeeyay in isla xalayba uu hay’addaha amniga ku wargaliyey dhacdadan foosha xun isagoo ku nuux nuux saday in sharcigu yahay waxa lagu kala baxo ee aan dagaal iyo cunfi cidina libin iyo guul ku gaadhayn.”

Xigasho: hubaal media

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews