marsanews.com
Maxaa Ku Jiray Faylkii Madoobaa Ee Ismaaciil Buubaa Gacanta Bidix Ku Hayay Markay Madaxweynaha Kal iyo Laab Isu Salaamayeen?
July 12, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii dorraad  xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo lagu tilmaamo maskaxdii ka dambaysay shirkii Garxajis ee lagu soo gaba gabeeyey Buurta Gacan Libaax.

Kulanka dhex maray madaxweyne muuse Biixi iyo siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa la dareemay inuu ahaa kulan miisaan leh iyada oo dadweynaha somaliland ay si weyn ugu falanqeeyeen baraha ay bulshadu ku kulanto.

Madaxtooyada somaliland ayaa dhinaceeda muhiimad gaar ah siisay faafinta sawiradii laga qaaday madaxweyne Muuse Biixi iyo Prof Ismaaciil Buubaa,  iyadoo  aan ka bixin wax faah faahin ah.

Kulankan oo aan xilligan la filayn waxa markiiba dhegaha ka taagay taageerayaasha xisbiga Waddani oo si saluug leh uga dareen celiyay inkasta oo dad badan ku talinayeen  in la sugo faahfaahinta kulanka iyo in ujeedada  Buubaa ugu tagay madaxweyne Muuse Biixi ay tahay inuu gacanta ka galiyo faylka madow ee uu gacanta ku hayo, kaas oo ay ku jiri karaan go’aamadii ka soo baxay shirkii Gacan Libaax oo fulintooda looga fadhiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Shakiga ah in Buubaa u socdo xil oo madaxweyne Biixi ka doonayo in uu Qaranka ugu adeego mansab waxa sii adkeeyay siyaasi Cali Guray   wuxuuna yidhi isaga oo barkulanka boggiisa Facebook kaga faalloonaya.

“Xiligan marka aan xaaladda dalka anigu eegay waxan qabaa in Madaxwaynuhu u baahan yahay inu qaato dad isaga wax ku kordhin kara waayo waxa jira dildilaac siyaasadeed waxa jira ruxan dhinaca amniga gaar ahaan bariga dalka dhaqaale xumo siiba shaqo la’aanta gaar ahaan dhalinyarda oo iyaduna dhibaato ah.

Markaa Ismaciil hadii ay is fahmaan kow ayuu ka yahay dadka wax badan ku kordhin kara Madaxwaynaha.” kulankan oo u muuqda mid xogtiisa la adkeeyay ayaa warar laga helayaa waxay  sheegayaan in dalabka kulanku ka yimid madaxweyne Biixi taas oo meesha ka saaraysa in xisbiga Waddani ama beesha Garxajis u wakiilladay Buubaa gaadhsiinta arrimaha xukumadda laga tabanayo maaddaama aanu xil hayn.

Dadka qaar ayaa aamminsan in madaxweyne Biixi uga baahday Prof, Buubaa talooyin ku saabsan siyaasadda gobolka isbedelladu ka socdaan laakiin, waxa is waydiin mudan sababta muhiimadda loogu yeelay kulanku haddii uu gaar ahaa ee saxaafadda loo galiyay.

Baahinta muuqalada kulankaasi waxay u muuqata in ay dan weyni ugu jirto madaxweyne Biixi marka loo eego sida madaxtooyada iyo warbaahintu u tabisay iyo waliba dadka madaxtooyada ka ag dhaw.

Kulankan oo aan si rasmi ah loo ogayn faylka madaw ee Buubaa gacanta ku sito oo faallo badan dhaliyay waxa looga fadhiya in Buubaa tafaasiil ka bixiyo.

Sidoo kalena xisbiga Waddani ayay tahay in uu caddeeyo mawqifkiisa ah in Prof, buubaa xisbiga ku metelayay kulanka iyo in uu ahaa siyaaro gaar u ah Buubaa.

Geesta kale Nuuradiin Diini oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook-ga ku soo bandhigay aragti ka duwan taas hore oo ku saabsan kulanka madaxweyne Biixi iyo Prof, Ismaaciil Buubaa ayaa sheegey in hor iyo horaanba uu  Ismaaciil Buubaa madaxtooyada ku tegey martiqaad uu madaxweynuhu u fidiyey isla markaana uu ka codsaday kulan gaar ah oo labadooda dhex mara kaasi oo ay kaga wada hadlaan arrimo siyaasadeed iyo kuwa dublamaasiyadeed oo waqti xaadirkan mandaqada ka oogan.

Nuuradiin ayaa qoraalkiisa  uu ku baahiyey Facebook waxaa uu ku dooday in Madaxweynuhu  ka codsaday ISmaaciil Buubaa in uu kala taliyo arrimaha ka soo kordhay siyaasadda geeska afrika iyo xaallada dagaal ee bariga Somaliland ka oogan.

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews