marsanews.com
Maxaad kala Socotaa Hiigsiga Hayanka Geediga Horumarka Jabuuti
January 20, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Dalka Jabuuti waxaa la yiraahdaa Jamhuuriyadda D,Jabuuti waxaana uu ka mid yahay dalalka ku yaala geeska qaaradda Africa.

Wadanka Jabuuti waxaa uu xaduud dhuleed la leeyahay dalalka ay ka midka yihiin Somaliland, Ethiopia, iyo Eritrea waana dal ay marto badda cas sidoo kalena waa dal dhinac kaga yaala gacan biyoodka Cadan.

Bedka dhulka dalka Jabuuti waxaa lagu qiyasaa 23,200 km2 tirada dadka wadanka u dhashayna waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 810,000 oo ruux.

Dalka Jabuuti waxaa uu madaxbanaanidiisa ka qaatay gumaystihii Faransiiska 27 June sanadkii 1977 isla sanadkaas ayayna dadka Jabuuti afti ururin laga qaaday waxay ku doorteen inay noqdaan jamhuuriyad madax banaan caasimada wadankana waxaa la yiraahdaa Jabuuti.

Luuqadaha rasmiga ah ee dalka looga hadlo waa Soomaali, Canfar Faransiis iyo Carabi diinta wadankana waa Islam waxaana dalku ka kooban yahay 6 gobol.

Dadka wadanka ku nool waa Muslim, dastuurka wadanka u yaalana waxaa uu qorayaa in dalku yahay dal Islam ah.

Dalka waxaa ka jira dawlad lasoo doorto M/weynaheeda haatan hogaaminta talada dalka mayalka u haya oo shacbiga reer jabuuti ay ku liibaaneen, waa hogaamiye hogaaminta talada dalka si togan u maamula oo leh hab iyo hanaan hogaamineed oo ay u dheer tahay bisaylka siyaasiga ah ee uu ku kasbaday quluubta shacbigiisa, taas oo ay u sahashay, sida hawlkarnimada iyo daacadnimada u ehelka ah ee uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee qaranka jabuuti uu madaxwaynaha ugu yahay, waana hogaanshe hal-adag oo leh go’aan qaadasho islamarkaana koobsaday guud ahaan ba astaamihii hogaamiyenimo

Dhanka kale hadii aynu eegno wadanka jabuuti waxa uu ka mid yahay wadamada afrika ee dhinaca ciidamada amaanka horumarka balaadhan ka sameeyay islamarkaana dhaqaalaha badan galiyay. tiyoo dhaqaalahaasi ay galiso tayaynta noocyada kala duwan ee ciidamada, waxaanay ciidamada Jabuuti qeyb ka yihiin ciidamada ururka Midawga Africa Soomaaliya ka jooga ee AMISOM la yiraahdo.

Cimilo ahaan dalkaan waxaa uu ka mid yahay wadamada dunnida ugu kulul heer kulka wadankuna cel celis ahaan waa 32 illaa 41 Digrii meelaha ugu kululna caasimada Jabuuti ayaa ka mid ah.

Dhanka dhaqaalaha haddii aynu eegno wadanka Jabuuti waxaa uu ka mid yahay wadamada Africa ee Kobaciisa dhaqaale uu xawliga ku socdo sida uu sheegay bangiga aduunku, dhaqaalaha wadanka jabuuti ayaa kor u kac aan qiyaas lahayn ku yimid tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2010,kii.

Dawlada Jabuuti waxay siyaasad fur furan kula macaamishaa qaybaha ganacsiga, dhaqaalaha ugu badana dalka waxaa uu ka kasoo galaa dhinaca dekedaha magaalada Jabuuti oo ka mid ah dekedaha geeska Africa ugu mashquulka badan.

Dhanka kale Shirkada Dp-world oo iyadu isku day indho-laan ah ku socotay ayaa dawlada wadanka jabuuti uu si hufan oo aqoon iyo cilmi ba ka muuqato uga fal-celiyay, hamigii hunguriga iyo hiigsigsiga dhalanteedka ku salaysan ee Dp-world ku kacday taas oo noqotay hungo halkeeda ku hagaastay.

Shacbiga reer jabuuti iyo xukuumadooda ayaa ah kuwo ka midaysan ilaalinta hantidooda maguurtada ah, isku duubni wada-jir ahna uga wada fal-celiya waxii wal ee qadaf iyo meel ka dhac ku ah qarankooda iyo milgaha maamuska madaxdoodaba.

image
image
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews