marsanews.com
Maxay Daaran Tahay Warbixinta BBC-du Ka Qortay Faysal Cali Waraabe Ee Ay Leedahay Ma Mucaarid Ba Mise Muxaafid, Halkuu Se Faysal S/land Kaga Qoran Yahay
July 26, 2018 - Written by editor marsan

Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID

Hargaisa:(Marsanews) Gudoomiyaha xusbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe ayay idaacada BBC du warbixin ujeedooyin badan leh ka qortay iyagoo mabda’a siyaasiga ah ee gudoomiye faysal rabay inay mugdi ka galiyaan bulshada islamarkaana ay ay shaki badan ku abuuraan aaminaadiisa qaranimada somaliland iyaguu ujeedooyinka ay ka leeyihiin ay tahay in gudoomiye faysal ay yaraato saamaynta togan ee uu ku dhex leeyahay bulshadiisa.

Gudoomiye faysal cali waraabe oo safka hore kaga jira shaqsiyaadka ugu dhiiran difaaca qadiyada madax banaanida somaliland islamarkaana ah shaqsi aad ugu hadalo cadcad dhanka warbaahinta xiliyada dawlada taagta daran ee xamar ay somaliland qadiyadeeda ka hadlaan ayaa idaacada BBC-da oo iyadu ah meherad u adeegta xukuumada somaliya ay xamil u yeelan wayday weedhaha sida leebka uu faysal u ganayo, taasina ay noqotay mida koowaad ee ay uga gol-leeyihiin in ay warbixintan dhagaraysan ka diyaariyaan oo ay hankiisa siyaasadeed u kala qaadan mucaarid iyo muxaafid is huwan balse ay tahay dacaayad raqiisa oo ilaa makastu si fudud u fahmayso.

Dhanka Iclaamka Iyo Faysal

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waa siyaasiga ugu codka dheer Somaliland, kaas oo ay warbaaihintu ka soo xigato hadallo dhaliya hadal hayn badan bulshada dhexdeeda.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda waxa ay ku sifeeyaan faysal inuu yahay shaqsi mucaaradnimadiisa ay kala weyn tahay hadafka Somaliland-nimadu, waana mida in badan oo macnaha mucaaridnimada qalad ka fahansani ay faysal ugu tilmaamaan guul-wade xukuumadaha jecel balse aanay garanayn mabda qaranimadu inuu ka wada horeeyo mucaaridada iyo muxaafidadaba oo taasi ay tahay sumada gaarka u ah faysal ee uu kaga duwan yahay badiba dhigiisa, balse idaacadan Bbb-da ee somaliya u adeegta ay daliilka is tidhi uga dhig in faysal uu xukuumadaha  jecel yahay iyagoo raba in mustawaha qarankan uu ka taagan yahay inay hoos u dhigan oo bulsho si fiican u garanaysa waxay ka shaqeeyaan ay is yidhaahdeen humaag beena u sawira.

Faysal iyo Wadahadalada

Gudoomiyaha xusbiga Ucid Faysal waxa uu inta badan ka mid noqdaa ka qayb galayaasha wada hadalada somaliland iyo somaliya dhex mara maadaamo uu yahay shaqsi ay shacbiga reer somaliland ku yaqaanan heerka lexejeclo ee qaranka uu ka leeyahay halka uu gaadhsiisan yahay iyo waliba isagoo ah shaqsi danihiisa gaarka ah ka horaysiiya danta qaranka, iya waliba ahmiyadiisa koowaad oo ah in somaliland ay noqoto mid ka mida beel-waynta caalamka islamarkaana aanu ahayn siyaasi mucaaridnimadu ka xoog roonatay balse uu yahay siyaasi mucaarida oo garanaya mucaaridada halka ku haboon iyo arimaha guud ee qaranku u baahan yahay sida ay u kala duwan yihiin, waana wax yaalaha u sahlay inuu ka mid ahaado siyaasiyiinta ku suntan ka qayb qaadashada arimahaasi heerka qaran ah oo dhan.

Dhanka kale Faysal Cali Waraabe waxa kale oo iyana jirta in dhanka horumarka dalka uu qaybtiisa ka qaato oo waxa xusid mudan in uu yahay gudoomiyaha kaliya ee mucaarida ee taageeray heshiisyada caalamiga ah ee xukuumada jirtaa la gasho sharaa’iga maalgashadayaasha ah sida shirkadii Dp-world oo kale, waana mid dhigiisa mucaaridka ah ee Waddani ay badiyaa ku dhaleeceeyaan, waxse xeel-dheerayaasha sida togan u odorasa siyaasadu ay qadiyadaha noocaas oo kale ah kaga faaloodaan in siyaasiga ku dhiirada isagoo hogaamiya mucaarid ahi uu yahay siyaasi bisayl siyaasadeed u ehel ah oo waliba rajo iyo mustaqbal siyaasadeed oo ifaya leh aakhirkana arimahaasi oo kale ay dhaxal siiyaan inuu yoolkiisa cayiman ee hogaaminta talada dalka si sahlan ugu gaadhi karo.

Halka kuwa dhigiisa ah ee ku xumeeda siyaasada u yaqaana ay markasta magansadaan guul-darada facaailkoodu keeno kadib marka ay bulshadu qiimayso habdhaqanka labada dhinac iyo farqiga u dhaxeeya ee ay dalka iyo dadka ugu kala hawlgalaan oo ah midna ku jiqsiidu camal u noqoto midna kaba shaqeeyo danaha bulshada oo tiisa ka dhaqaaqo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews