Waxa uu yidhi “Iiraan maaha Ciraaq ama Suuriya, Kuwayd ama Soomaaliya. Waa dal leh dad isla weyni leh oo sooyaal qani ah leh. Trump Si sahlan kuma cabsi gelin karo ama dib uguma celin karo.,”
Waxa uu kooxda Aqalka Cad ku dhalliilay kuwo aan arrimaha ku xisaabtamin intii aanay qaadin weerarka Qaasim Sulaymani.
Tan iyo burburkii 1990 Soomaalida waxa ay noqotay tusaalaha waxii xun oo dhan ba loogu soo hal-qabto, oo badiba siyaasiyiinta ama aqoon-yahaniinta caalmku ay minqiyaas uga dhigaan hadba waxii khariban ee ay rabaan inay tilmaaman, taasi oo ka turjumaysa dawlad la’aanta iyo kartidarada ku habsatay maamulka somaliya ee tahli kariwaayay sugida abniga shacbigiisa, kana door biday in dawlado afrikaan ahi kaare ku ilaaliyaan, shacbigoodana aanay danayn oo haadka iyo waraabuhu ba ka dhargo, waana ta keenaysa in tusaale kasta oo xun ba loogu soo hal-qabto, oo ay noqdaan halbeega lagu cabiro waxii xun oo dhan.