marsanews.com
Mid Ka Mids Siyaasiyiinta Caanka Ka Ah Somaliya Ayaa Sheegay In Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho Ay Fududeeyeen Ciidanka Xasilinta
July 15, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Siyaasi Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in Qaraxyada  magaalada Muqdisho ka dhacaya ay fududeeyan ciidamada ee u xilsaaran Sugida amniga caasimada.

Cabdiraxmaan C/shakuur oo oo ka mid ah siyaasiyiinta sida xoogan u mucaarada xukuumada haatan talada haysa ee farmaajo, ayaa sheegay in ciidamada xasilinta ay kaalin weyn ka geystaan Qaraxyada ay fuliso Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay inaanay suuragal ahayn haddii ayna Al-Shabaab taageerayaal ku dhex lahayn ciidamada dowlada inay gaaraan xarumaha halbowlayaasha u ah dowlada sida madaxtooyada Somalia.

“Al-Shabaab waxay ku dhex leeyihiin hay’adaha nabadgelyada taageerayaal waxayna ku dhex leeyihiin dad u sahla inay gaaran xarumaha halbowlayaasha dowlada, taasina waa mid iska cad” ayuu yiri siyaasi Cabdishakuur.

Waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada xasilinta ay yihiin kuwo sharci daro ah oo aan meelna kaga jirin ciidamada ku xusan dastuurka dalka ee sida sharciga ah loo baahan yahay, wuxuuna xusay in halkii laga dhisay ciidamadan inay ahayd in la xoojiyo ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugida kaliya kuwaas oo loo baahan yahay.

Al-shabaab ayaa horey u galay xarunta Madaxtooyada xiligii ay talada hayeen dowladihii ay hogaaminayeen Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo C/raxmaan C/shakuur uu ka soo qabtay xilal kala duwan.

Cabdiraxmaan oo VOA ay wareysatay ayaa sheegay in dowladdu ay kasban weyday kalsoonida shacabka taasina ay sababto in al-Shabaab ay sameeyaan wixii ay doonaan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews