marsanews.com
Mudo Laba Sano Ah, Shacbiga Reer S/land Waxa Dhagahoodu Khaati Ka Joogan Erayada Dimuquraadiyadii Oo La Gawracay, Komishanka Waanu Qaadacnay Iyo Waa Xaaran
November 12, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Somaliland shacbigeedu waxay tabayaan siyaasiyiintii mucaaridka ee bisaylka iyo qaangaadhnimada ba lahaa, kuna shaqayn jiray rabitaanka bulshadooda, halka haatan kuwa saaxada siyaasada jooga ay dhaga barjeeyeen umadii.

Kasbashada hogaaminta talada dalku waxa ay ku timaada doonista shacbiga oo iyagu ah kuwa cugashada leh, islamarkaana lagu shaqeeyo hadba rabitaankoodu sida uu yahay, iyo waliba qawaaniinta dastuurka ay u codeeyeen hadba waxa uu jidaynayo.

Mudo haatan laga joogo laba sono, taniyo ku dhawaaqistii natiijadii doorashada madaxwaynaha ee dabayaaqadii kal-hore dalka ka qabsoontay, waxa bulshada reer somaliland, dhahooda daashaday weedho aan farxad galinin oo badiba ay ku tiraabayaan siyaasiyiinta aan majuurka ahayn ee xisbiyada mucaaridka gaar ahaan waddani, oo isaga ay u cuntami la’dahay natiijadii doorashada ee ku timid doonista shacbiga.

Erayada caadada u noqday waddani ee bulshada dhagahoodu khaatiga ka joogan waxa ka mida, Waanu qaadacnay komishanka, dimuquraadiyadii waa la gawracay iyo waxaasi waa xaaran, erayadaa iyo kuwo kale oo badiniba waa kuwa ragaadiyay hanaanka wada xaajood ee miiska wada hadalada axsaabtu isku qancin jireen, balse xisbiga waddani taniyo xiligii uu ka soo gudbay urur siyaasadeedka ee uu noqday xisbi qaran islamarkaana u tartamay doorashada madaxtooyada guul-daradana kala kulmay waxa uu miciin biday inaan dhinacna loo socon karin oo xaajo kasta waxa uu noqday mid lugaha iskaga duuba, taas oo haatan bulshada si toosa ugu cadaatay, kadib markii laga aqbalay in gudidii hore ee doorashooyinka awgood loo badalo oo shaqadii ay sii qaban lahaayeen waddani diiday, haatan oo maanta gudi cusub baarlamaanku ansixiyayna ay markale lee yihiin waanu qaadacnay iyo waa xaaran iyo waliba dumuquraadiyadii baa la gawracay, waxa umada u cadaatay inaanay rabin wax doorasho ah oo ay yihiin kuwo aan uba diyaarsanayn waxii somaliland ay wax ku dooran jirtay

Iswaydiintu waxay tahay waa maxay waxan ay rabaan wiilashan da’da yar ee waa sharci daro uun laga siiyay, miyaanay se umadani nasiib darayn marka masayrkoodii da’yartaa aan garanayn waxan ay ka hadlayaan ba uu gacantooda galay xisbiyadii umada wakiilada u ahaa.

Somaliland waxay caado u lahaan jirtay is dhagaysi iyo is qancin wada hadalo lagu dhameeyo xaajo kasta oo cakiran, waa xiliyadii sadexda xisbi ee siyaasiyiinta majuurka ahi saaxada ku jireen Udub, Ucid iyo Kulmiye, balse intii saaxada uu soo galay waddani waxa marqudha ku soo booto noqday xisbi aan jid iyo ceel midna loo saari karin oo meel uu u socdo umadu garan ladahay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews