marsanews.com
Muj: Cali Guray’ Istaraatajiyadaha Kala Fog Ee Waddani Iyo Kulmiye Tee Baa Shaqayn Karta?
August 28, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Mujaahid Caali guray oo ka mida siyaasiyiinta xusbiga kulmiye ayaa qoraal uu ku odorosayo qaabka siyaasadeed ee ay ku raadinayaan guusha hogaamineed ee dalka labada xusbi ee Waddan iyo Kulmiye ku soo daabacay barta uu ku leeyahay bar-kulanka facebook waxaanu u dhignaa qoraalkiisu sidan:

Xisbiga Waddani iyo musharixiisu inta badan waxay bartilmaameedsadaan hebelada magacyadooda la yaqaan ee ama Wasiiro ka noqday xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland ama xilal kaleba ka soo qabtay.
Inta badan waxay urursadaan waxa u badan dad aan siyaasadda xisbiyada ka dhex muuqan jirin balse wasiiro hore ahaan jiray oo inta badani aanay muddo dheer wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed lagu arag gebi ahaan saaxadda siyaasadana ka maqnaa wakhti dheer oo aan saamayn badan ku yeelan karin codbixiyaha maadaama ay siyaasadda ka maqnaayeen mudooyin badan.

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing, suit and outdoor
Lakiin istraatajiyadda Kulmiye iyo Musharaxiisu way ka duwan tahay ta Waddani oo waxay bartilmaameedsadaan codbixiyaha iyo dadka saamaynta tooska ah siyaabo kala duwan ugu yeelan kara. Degmo kasta iyo tuulo kasta oo uu gaadho musharaxa kulmiye wuxu ula hadlaa si aanu ula hadli karin musharaxa Waddani oo wuxu muujiyaa waayoaragnimadiisa iyo aqoontiisa gaar ahaan uu u leeyahay degaanka dadka iyo dhulka iyo duruufaha u gaarka ah ee aan lala wadaagin iyo dhibaatooyinka u gaarka ah sababaha keenay iyo sida ugu haboon ee xal loogu heli karo. Wuxu gaadhaa ilaa iyo heer uu si toosa ugala doodo arimahooda taas oo ugu dambaysta ku qancisa in musharaxa kulmiye uu yahay shakhsi dadka ka mid ah oo iyaga ka mid ah oo lagu kalsoonaan karo. Wuxu dheeryahay oo kale Muuse wuxu ku xidhan yahay uu kala yaqaanaa hogaamiye dhaqameedka degaanada Somaliland oo dhan waana nin la yaqaan dhaqanka oo la dooyaysta si saraaxad ahna ula qaadaa dhiga xaaladda guud iyo kuwa gaar ahaaneedba.
Markaa labada istraatajiyadood ee labada xisbi ee sidaa u kala duwan tee ayaa ugu dambaysta lagu kasbi karaa tirada ugu badan ee codbixiyaha Somaliland? Waa mafhuum oo ta Kulmiye way shaqaynaysaa ta waddanina ma shaqaynayso ee way fashilaysaa.

Image may contain: 19 people, people smiling, people standing and outdoor

Tan kale shakhsiyaadka xilalka ka quud daraynaya Waddani hadii laga helo doorashada miyay yihiin kuwa Waddani oo mucaarid ah sii ahaanaya oo u adkaysan kara duruufaha adadag ee mucaaridnimada? Maya, waayo shakhsiyaad aan wax mabda’ ah ama aragti ah oo ay leeyihiinba aanay jirin ee kursi-doono uun ah oo loo yaqaan dawlad-ku-nool inta badanna waa mar ay kursiga ku fadhiyaan iyo mar ay fooda-ku-haye ama wasiir u meero yihiin. Sidaa daraadeed inay xijistaan mucaaridnimada oo Waddani oo mucaarid ah sutida la qabtaan wax ka suurtoobi kara maaha kuwan uu Waddani ka soo jafay gidaaradii ay mudada dheer ku caaryaysteen. Waddani waxay la halmaali karaan oo keliya hadii uu doorashada ku guulaysto oo laga yaabo in kuwana xilal loo dhiibo inta ugu badanina ay xil sugayaal noqdaan iyaga oo laga yaabo in aanay helin hadana ka qancin ee isku shandheen kasta madax la soo kacaan ilaa saacadda ugu dambaysa.
Kulmiye oo hadana mar labaad guulaystay Madaxwaynuhuna uu noqday Muuse Biixi oo si fiican u yaqaan una kala yaqaan in ergo u soo diran doonta iyo in lugaha qabsan doonta iyo in halkii laga soo kiciyay dib ugu noqonta mooyee wax uga dhexeeya oo kale lagama filayo.
Markaa kuwan uu Waddani buunbuuninayaa hadii ay yihiin kuwa waxtar u noqon kara oo dadku wax u haystaan oo codad u keeni karan waxba may ahaateen. Hadii ay Kuwo xisbinimada Waddani danaynaya oo mabda’ ahaan ugu biiray yihiinna dee dhib iyo dheefba way la wadaagi lahaayeen laakiin runtii maaha markaa waxay ku falayaan ey isugu taxalujinayaan ilaa heerkan iyo waxay u tarayaan anigu weli maan fahmi ee waxa aan is leeyahay way ku khasaareen waanay ku khasaari doonaan ee bal aan eegno halka ay iskala soo dhacaan Waddani iyo xil u meerada dawlad ku noolka ahiye waxanse filayaa in oday Cabdirxmaan Cirro uu caamaysan yahay oo maar dahab ahaan looga iibiyaye.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews