marsanews.com
Mujaahid Cali Guray: Maba Doonayaaney Inaynu Dowlad Ahaano
August 1, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Mujaahid Cali yusuf (cali guray) qoraal kooban oo uu bartiisa facebook uu ku leeyahay soo dhigay ayuu u dhignayd sidan.
Dalku dawlad buu leeyahay kooxdan Al islaax ee akhwaaniyiintu waxay ka soo horjeedaan dawladnimada Somaliland waana qandaraas ay cid gaar ah ka soo qaateen.

Hadana keligood bay sheegtaan Culimada Somaliland. Diidmadooda haddii mar kasta laga ogolaado waxay siinaysaa inay iyagu yihiin awoodda dalka ka talisa ee waliba ay wax waliba iyaga ka go’aan taas oo kooxo shisheeya ah ku dhiirigelinaysa in muraadkooda ay iyaga ka fushadaan dabcan iyagana aduu ku siiyaan. Imika wax aan shareecada islaamka iyo dastuurka Somaliland midna ka horimanayn xukuumadduna ay aqbashay ma dadka ay Haya’daha dastuuriga iyo dawladnimada ayay ka awood badan yihiin maxaa loo eeganayaa? Ilayn ninanki waxay cadaysteen inay yihiin dawlad ku hoos jirta dawlad eh. Waa maxay waxa loogu habranayaa? Ilayn way cadahay inay ka soo horjeedaan gebi ahaanba dawladnimada Somaliland eh. Go’aankii xukuumadda waxay ka dhigeen inay ogolaatay Kiniisad laga faafinayo diinta kiristanka. Taas oo ka horimanaysa Dastuurka Somaliland oo aan ogolayn in Somaliland diin aan diinta Islaamka ahayn laga faafiyo. Waxay toos ula soo safteen dacaayadii mucaaridka qaar ay uga jeedeen inay fidmo iyo fadqalalo ka dhex abuuraan bulshada Somaliland ee 100% muslinka ah. Waar niman yahow wadaadadoodana mooyee Somaliland waa ku dheeraad hadii la sii eegto Somaliland waxay halis u tahay inay qaranimadeediiba fashiliyaan oo ay dhaxal wareejiyaan. Dheef xalaal iyo xaaraanba waxay ku urursadaan iyaga ayuu dhaqaalihii dalku gacanta u wada galay waa maxay waxa ay doonayaan ee kale. Halka ay ku wadaan haday gaadho waxa iyaga ka daadanayaa cid kale ka daadan maayso. Markaa Somaliland maanta laba ayay mid u joogtaa in la iska qabto oo loo badheedho oo la iska celiyo qiime kasta oy ku tegayso iyo in jabka la qaato oo dalka ay ka taliyaan koox aan cid dooratay xil ay hayaan aanay jirin oo iyaga iyo cid u hogaansanta mooyaan aan cid noolaataaba jirin. Kooxdan iyo Somaliland mid uun baa la waayi doonaaye ha iska wataan tooda.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews