marsanews.com
Mulkiilaha Shirkada World-rimit, Shaqsi Ku Dayasho Mudan Oo Taariikhda Dalka Iyo Dadkiisaba Baal Dahaba Kaga Jira
April 21, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Ismaaciil Axmed oo ah mulkiilaha shirkada xawilaada lacagaha ee habka tegnolajiyada loona yaqaan World Rimit, ayaa isagu noqday shaqsiga koowaad ee umadiisa la qaybsaday duruufaha adag ee la soo darsay kadib, xanuunka ba’an ee dunida aafeeyay corona-virus, islamarkaana si lexejeclo, wadaniyad, iyo wadadhalasho leh dadkiisa ugu deeqay hantidiisi oo aan qiyaas lahayn.

Mulkiilaha shirkada world rimit ismaciil axmed waxa uu somaliland ugu suntan yahay halyay qaran, oo quluubta shacxbiwaynaha reer somaliland xusuustooda uu waligeed ku xardhanaan doono, waana mid ka mida shamacyada siraadan ee somaliland u iftiimaya, waa muwaadin ay ka dhab tahay garab istaaga shacbigiisa, waana shaqsi garanaya inuu wax ku noqon karo kasbashada umadiisa iyo badbaadadooda, waa halyay, taariikhda dalka iyo dadkuba xusidoonan, waxana shacbiga reer somaliland meelkasta oo ay joogan ba bogaadin iyo ducaba ay hawada u marinayaan ismaaciil axmed iyagoo alle ugu mahadnaqaya in shacbiga reer somaliland alle ka dhaliyay dadka caynkaas oo kale ah ee umadooda dhibta iyo dheeftaba la qaybsanaya.

Waxa aan marnaba la hilmaami karin in somaliland ay tahay qaran iskii u qabsada waxkasta oo aan isku xidhin gacmo shisheeye, islamarkaana ay jiraan tijaar ama maal-qabeeno farabadan oo loo baahan yahay inay ku daydaan Ismaaciil axmed oo ay umadooda u huraan waxa ay hayaan ee ay waliba ka shaqaysteen isla bulshadan uun.

Waxa qalinku ileeyahay ha hilmaamin Dr, Gaboose oo isagu ah dhakhtar caafimaad kana mid ah raga maal-qabeenka ah islamarkaana dhawaan xili uu warbaahinta ka hadlayay ku tiraabay inuu aqoon ahaan soo bartay cudurada faafa sida corona-virus oo kale islamarkaana loo baahan yahay ayuu yidhi in umada loo gurmado, waxse iswaydiintu tahay gaboose wali waxa uu umadaa gurmadka u baahan ka qaada lacag aan qiyaas lahayn waana dhakhtar jooga xiligii loo baahnaa oo isagoo kale waxa uu noqon lahaa hormoodka caawiyaha umadiisa waxse ilaa iyo haatan uu yahay ka shaqaystaha umadiisa oo aan tudhaale lahayn xitaa kana muuqan balse xiliyada uu warbaahinta ka hadlayo muuqaal ahaan iyo luuqad ahaan ba aad isaga qiiraysiin og taasna badiba bulshadu si fiican u wada fahansan tahay inaanay xeelado siyaasadeed ka madhnayn.

Si kasta oo ay tahay ba bulshada reer somaliland waxa wax u ah qofkii wax gashada ee la dareena umadiisa, lana damqanaya, lana qaybsanaya, dhibaatada, naxariis iyo jiidh dubaaxshaana ugu yaalo sida mulkiilaha shirkada world rimit ismaaciil axmed oo kale.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews